Hogaanka Sare Ee Xisbiga UCID, Wuxuu Tacsi Tiiraanyo Leh U Dirayaa, Qoyskii Iyo Qarankii Uu Ka Baxay Gudoomiyhii Afraad Ee Xisbiga UCID.
UJEEDO/Tacsi Tiiraanyo leh
Hogaanka sare ee xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCID, Gudida fulinta,Golaha dhexe, Xildhibaanada G/deegaanka kuwa soo baxay iyo kuwa aan soo bixinba iyo Dhamaan Taageerayaasha xisbiga ucid waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Shacabka reer S/land Gaar ahaan xisbiga ucid geeridii naxdinta lahayd eek u timid G/ku xigeenkii Afraad ee xisbiga Ucid Professor Maxamed X.C/laahi Siciid Kaas oo Maanta ku Geeriyoodey Caasimada G/Togdheer ee Burco
Waxaana ALLAH uga baryeynaa inuu janatul fardawsa ka waraabiyo dhamaan ummada reer Somalilandna Samir iyo iimaann saadiqa ka siiyo,gaar ahaan QOYSASKII,EHLIYADII IYO QARAABADII uu marxuumku ka baxay
Aamiin Aamiin Aamiin
Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbiga UCID
Yusuf Keyse Allahi
