|

ISKU DUUBNI BAA CADOW LAGU DILAA. By: mahamud mohamed jama.

shacabka soomaaliland waan salaamayaa, muxaafid iyo mucaaradba waxaana u soo jeedinayaa in la iska dhaafo lana ilaawo xangaruufooyinka laga dhaxlay doorashadii deegaanka ee dalka laga qabtay.

waxaan filayaa inay iska cadahay dhawr arrimood oo aan isleeyahay iyagaa dhibtan ugu waaweynaa oo kala ah sidan.

A- Diiwaan gelin la’aanta lagu galay doorashadan oo ahayd mid ka qarro weyn kuwii hore loo qaban jirey.

B- shacabka oo aan u bislayn nidaamka dimiqraadiga ee fikirka shaqsiga ah wax lagu doorto,kana door bida qabiilka.

C- iska daba wareegii iyo go’aamadii faraha badnaa ee ka soo baxayey komishanka doorashooyinka qarranka.

haddaba maxaa talo ah, waxaan leeyahay dalka inagaa iska leh ninka iyo nidaamka maanta jooga, waxaan ku bedelaynaa farta mar kale, sidaas awgeed dalka haloo tudho.

muwaadin.

mahamud mohamed jama.

 mahamudmohamedjama@yahoo.co.uk

—————-

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS