|

Jaaliyada Somaliland ee Dalka Kuwait oo Maanta Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Weriya Shabakada Caalamiga ah ee Oodweyne News iyo Talafiishanka Somali Channel ee Maxamed Cawad Maxamed oo Noqday Weriyaha Sanadka+Sawiro

 

­Burco-(OWN)-Xubno Ka Tirsan Jaaliyada Somaliland ee Dalka Kuwait ayaa Maanta Gudoonsiisay Weriye Maxamec Cawad Maxamed oo Ka Tirsan Bahda Talafiishanka afka Somaliga ku hadla ee Somali Channel shahaado sharaf ay si balaadhan ugu maamusayeen  ­hawlihiisa shaqo ee tabinta wararka iyo barnaamijyada waxtarka leh ee Gobolka Togdheer.

Waxaana Maanta Xaflad Balaadhan oo ka qabsoontay Hotel Nasiye ee Magaalada Burco ka soo qaybgalay Maamulka Gobolka Togdheer,Xildhibaanada Golaha Degaanka ee Degmada Burco,maamulkii hore ee gobolka Togdheer,cuqaal,Masuuliyiin Ka Socday jaaliyada Somaliland ee dalka Kuwaait dhalinyarada Gobolka Togdheer qaarkood iyo marti sharaf kale oo badan.

Waxaana Xafladani Ugu Horaynba Halkaasi ka hadlay ereyo kooban ka soo jeediyay Naasir Maxamuud Firdhiye oo ka mid ah Dhalinyarada Jaaliyada Somaliland ee Dalka Kuwiat waxaanu sheegay inay shahaada sharafta ay Gudoonsiiyeen Weriye Maxamed Cawad Maxamed uu ku mutaystay hawlkarnimada iyo soo gudbinta wararka iyo baarnaamijyada waxtarka leh ee horumarka gobolka togdheer iyo baahiyaha ka taagan degaankaasi.

 

Waxaanu Intaasi Ku Daray Naasir Maxamuud Firdhiye in jaaliyad ahaan ay sanadihii u danbeeyayba si weyn ula dhaceen daawashada talafiishanka Somali Channel oo isagu sii dhexdheesad u soo gudbinayay wararka iyo Barnaamijyo tayaysan.

Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka ogdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf Ubaxle ayaa isaguna dhinaciisa sheegay in munaasabadani ay muhiimada gaara isaga u leedahay  ka qaybgalkeedu madaama oo weriye ka tirsan talafiishanka Somali channel lagu gudoonsiinayo abaalmarin ay u garteenn jaaliyada Somaliland ee dalka Kuwait taasi oo maamul ahaan aan anaguna dhankayaga si balaadhan ugu hanbalyaynayo islamarkaana ay qirayo in Maxamed Cawad Cawad Maxamed Yahay weriye dhexdhexaada oo bulshadiisa ugu adeega  si karte leh .

Maayir ku xigeenka Degmada Burco Muxumed Xasan Jaamac Mixile oo isaguna ka mid ahaa dadkii madashani ka hadlay ayaa sheegay in falanqayn ay dhawaan ay sameeyeen 21xubnood ee golaha degaanka Burco ay isla garteen in talafiishanka Somali channel iyo weriye Maxamed cawad Maxamed ay kaalinta 1aad kaga jireen  inay si dhexdhexada u soo gudbiyaan ololahii doorashada golaha degaanka waxaanu intaasi ku daray maayir ku xigeenka Burco inay mahad celin Balaadhan u soo jeedinayaan jaaliyada Kuwait ee kaga horumartay abaal marintani inay uu gartaan weriye maxamed cawad Maxamed.

 

Dadka Madashani ka soo qaybgalay oo badnaa awgeed ayaa iyna waxaa kale oo munaasibadaasi ka hadlay Maayirkii hore ee Degmada Burco Maxamuud Axmed Xasan Dhegalaab,Badhasaab ku xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar,Xildhibaanada golaha degaanka Burco,masuuliyiinta Xisboiga WADANI ayaa dhamaantoodba u hanbalyeeyay weriye Maxamed Cawad Mxamed kuna dhiiri galiyay inuu sii wado hawlaha horumariineed ee samaynta barnaamijyada waxtarka balaadhan ee uu hayo.

 

Ugu Danbayntiina waxa ay  xubno ka mid ah jaaliyada Kuwait halkaasi ku gudoonsiiyeen Weriye Maxamed Cawad Maxamed shahaado sharftaasi ay ku maamusayeen.

Oodweyne News.com/Main Office

COMMENTS