Jamaal Ali Hussien: Maxaa faraha ii geliyey siyaasada By: Luula Abdi
Salaam warbaahinta oo idil:
Jamaal: Sowtaa maantaba xisbigii Wadani ii bixiyey naaneys cusub oo ah Guleed xawashe!!!
Waxaan ahaa nin dal qabow jooga oo Tanzania la yidhaa oo shaqaale ka ah City Banka oo lur iyo wareer iyo buuq iyo busaarad toona maan qabain cidina imey xifaaleyn jirin, ahay ah maxaa siyaasada faraha ii geliyey. Aad yar baan buugaagta qosolka qori jirey, cidina microphone ii may dhiibi jirin. Sownigan gubtey ee ku khafiifey kursi aan ii dhaweyn. Sowtan aan fakhri ka qaadey siyaasadii ee qurbaha aan leeyey lacag ii soo ururiya. Weligey la iima baaheyn. Maxaa igu dhacay tallow.
Suldaanadeyda iyo cuqaasheyda ayey ahayd inaan adeeco maalintii aan dalka imi ee ay igula taliyeen doorkan in aa dub uuga joogsado. Anaa ka dhega adeygey ee tallow maxaan sameeyaa. Shaqadii Banka waa la iga eryey markii aan bilaabay in aan aad u dhoof dhoofo si aan siyaasada uuga qeyb galo. Iminkan Faizal na is fahmi kari weyney, xisbigii kale ee Wadani na wuu igu direy oo waataa maanta ba ay ii bixiyeen Guuleed xawaashe. Waxaan modaayey in Kursigu sidan ka hawl yaryey ee sowtan hurdo ba aan iska waayey. Waa in aan nafteydau gurmadaa oon siyaasada iskaga baxaa.
luulaabdi@yahoo.ca
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
