|

Jamaal Kursi laguma helo siduu Faizal kuu sheegey: Faiza Nuur

Salaam Somaliland news networks.

Jamaal Ali Hussien iyo Faizal Cali Waraabe sas ay ka qabaan xisbiga Wadani dartii ayey saliida iyo biyaha isku darayaan. Durba waxay bilaa been ololihii Madaxweynaha oo aan weli dhaweyn. Jamaalow ma Faizal baa ku yidhi xisbiga Wadani soo shiid sidaasaa siyasada lagu bartaaye. Wuu ku qaldey ee hadaba adna diyaar garow wax yaabo badan baa laga sheekeyn doonaa oo weliba qaniinyo kululna laguugu dari doonaye.

 Odhaah ingiriisi ah baa waxay tidhaa, nin habeen dumay jooga, oo maqsin madow ku jira oo bisad madow doon doonaya lama noqdo. Faizal iyo Jamaal baa sidaa ka dhigan, ( Two blind guys, on a dark night, in a dark room searching for a presidential seat which is not yet there ).  Jamaalow awalba qiiq baa mudo dheer ka baxayey Faizal ali waraabe, adna haduun buu kuleylka dabku ku gaadhey, hadaba ogsoonow sidaas uun baad u qiiqeysaa ilaa qiyaamaha e. Kol hadaad shaqadi qaboobeyd ee Banka aad ka carartey ( in kastoo lagaa eryey markaad xafiiska fadhiisan weydey ) waxaad ku tala gashaa, hurdo yar, wer-wer nafta kaa jara iyo maalinta u danbeysa indha haaga oo shan ah oo Wadani kursiga fuulo. Ood is weydiiso maxaa siyaasad faraha kuu geliyey weliba nasiib baad Leedey hadii aanad marada dhigan sababta oo ah adigu gudoomiye xisbina soo maad marin xisbina hore uuga maad soo shaqeyn ee mar qudha uun baad ku boodey musharax madaxweye. Dabeed hadhow ma fahmi doontid waad dhacdey, dabeed in aad waalato ayey noqoneysaa. Faizal isagu waa ma guddbe oo saqid nimada kolba xisbigiisu dhaco wuu la qabsadey, weliba gudoomiye xisbi ka badan oo Faizal doonayaa ma jiro oo sidan bay uugu badisaa uu dadka dhaqaale kaga gurtaa oo wuxuu ka dhigtey UCID sidii NGO uu isugu keligii leeyey. Labadiinuna car yey daan murmin maalin dhow oo haduu Abdi Waraabe xiligaa nolyey aannu idin dhex gelin.

Jamaal haduu is yidhi buuga qosalka iyo heesaha uu tiriyey, murtida waxaad uuga eegtey Cali Jamac haabeel, oo hadana intuu muraayad hor tegey is yidhi wejigan balaadhan na waxaad uuga eegtey Mohamed Haji Ibrahim Egal, wuu is loogoynayaa yaa yidhaa HCTV oo shuraake ka yahay shaqo ka doono.

faizanuur@yahoo.ca                                                                                                                                                                   

 

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga anaguna hadaanu  Oodweynews nahay waxaanu leenahey magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca haka talin  masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla

COMMENTS