|

Jamal ali Hussein aflagadada c/raxman ciro talow ma wuxu mooday barnaamij loogu olaleeyo xisbiga ucid. Qalinkii ahmedsayid mohamoud abdilahi (jalaafe)

Alle ayaa mahad leh noo suurta galiyey in aan dhiibano fikirkayaga saliimka ah ,waxan    halkan ka salamayaa shacabwaynaha Somaliland meel kasta oo ay joogan iyo saxaafada madaxa banaan ee wax ku qorta afka soomaliga  .

Intaa ka dib hadaan udhaadhaco ujeedada maqaalkayga waxaa dhagahayga ka batay hogaanka xiSbiga ucid oo marwalba aflaagado loo meel dayin ugaysta gudoomiyaha xisbiga wadani ABDIRAHMAN MOHAMED ABDILAHI (CIRO) , iyagoo ku dooda ama hadalkooda gundhig uga dhiga labada xil ee uu isku hayo gudoomiyuhu .

Hadaba hadalada noocaasa waxaa looga bartay faysal cali waraabe imankana waxaa ku soo biiray musharaxa madaxwaynaha ee xisbigaa Jamaal cali xuseen oo qudabadiisi ugu horaysay ku daray gudoomiye ciro .

Inkastoo shacbi waynaha Somaliland uhanwaynayeen jamal cali xuseen kana sugaayeen khudbad hufan ayaa waxaa jamal cali xuseen  ku cadatay eray ay dadka siyaasada falaqeeyan ay ku sheegan oo ahaa (big jump) oo ah in uu janbiga kaga soo booday saaxada siyaasada isagoo khudbada uu madasha ka jeediyey ubadaneyd personal attack halka laga filaayey in uu ka hadlo barnaamijka xisbiga uu ka tirsanyahay iyo marxalada uu dalku maraayo.

Laakin talow maanu Jamaal ku tusaale qadan saxiibkii faysal oo ka qayb galay doorashooyinkii dalka soo maray dhamantood hadana aan wax guula ka gaadhin  mise is waydiiyey ujeedada uu uhadhay in ay tahay aflagaadada qaawan ee aanu umiidan dayin ee uu ku wareero beel, gobol , ama cid garaa hadalkaas oo dadku ay guntanayaan kana jaraayeen malin uu ubahanyahay oo ah malintaa vote ka la galaayo .

Hadii aan la kaftamo aqoonyahanka midha markuu arkay  faysal oo marwalba ka hadalaayo ama durayaa abdirahman ciro  wuxuu muuday in uu yahay barnaamij uu campain ka ku galo xisbigoodu , mise talow waxaa soo ifbaxay maahmaahdii ahayd waxaan cano iyo nabad ahayn waa lakala qaadaa.

Jamal cali xuseen waxan umalaynayaa distuurka dalka ayaanu si quman u akhriyen ee abdirahman ciro iyo muwadin kastoo xaq buu uleeyahay inuu isku qabto laba xil sharcigaana dhigayaa iyo articles ka lagu hago dalka .

Hadaba aniguu aan ku dheeraanayn maqalkaygan waxan usoo jeedinayaa jamaal nin hadal ka dhacay waa geed qolafi ka dhacday waa wiil dhalinyaro ah oo aqoonyahana hana leh sharaftiisa ha dhowrto oo ha iska yareeyo  in qudbadiisa iyo wax sheegiisu ay noqoto mid qof gaara ku aroorta .

Qalinkii ahmedsayid mohamoud abdilahi (jalaafe)

ahmedjalaafe@hotmail.com

—————————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS