|

JAWAAB KU SOCOTA GUDOOMIYAHA DHALINYARADA QURBA JOOGTA EE XISBIGA UCID. By: Zakarie Nuur Cabdillahi

Xuseen  waxaad u hanbalyaysay Xisbiga UCID adoo aad ugu faraxsan inuu soo baxay,

Dhinaca kalena  waxaad Doorashadii Golayaasha Degaanka ee Xisbiga aad u hanbalyaynaysa  kuso baxay ku tilmaantay Boob iyo Dhac badheedh ah &  khiyaamo.

 

Qoraalkaga wuxu isugu jiray hanbalyo aad ugu hanbalyaynaysid Xisbiga UCID iyo Dhaliilo aad usoo jeedinayso Xisbi Xaakinka iyo weliba Komishinka Doorashooyinka adoo  Doorashadii Dalka ka qabsoontay Xaraan ku tilmaamaya.

 

Hadaba hadaan uso noqdo Doorashooyinki Wadanka ka Qabsoomay waxa Xaqiiq ah inay ahayd Doorasho Xaq ah oo u Dhacday si aad u qurux badan oo aan hore loo arag sida ay xaqiijiyeen Hayadaha kala Duwan iyo Kormeerayaashii  joogayaasha aha ee ku sugna Dalka kuwaas oo Caalamka u xaqiijiyay  qaabka ay u Dhacday kuna amaanay Xukuumada Iyo Komishinka Doorashooyinka qaabkii ay u qabsootay Doorashadaasi.

 

Dhinaca kale Hadii Xisbiga UCID aminsanyahay inay Doorashadii Dalka ka dhacday ay ahayd mid boob iyo Khiyaamo ku dhacday, 

 

Hadaan kugu raacno Sidaad noo sheegaysaan

Waxay noqonaysa in uu Xisbiga UCID  Xaraan iyo Xaqdaro kusoo baxay.

Waxa  kale oo aan is qabanayn Doorashadii boob bay ahayd iyo waanu isugu hanbalyaynaa ee labada kala daaya..

 

 

Zakarie Nuur Cabdillahi

Hargaisa Somaliland

Tell:002522-4795506

—————————————————-

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS