Jeex biro ka hadha iyo jab finnina baanoo, wadnahay-ggu jalaw-diyo ma yaqaan juglayntee, ha jidiin cadaanina hadal ima jareeyee, abid-kayba waan jiray jab intuu dhacaayee, waan joogay dunidani wixii uu dad jeetee, jiilaalku ima karo iyo jibin cadaadd-kuye, ma jilacmo ma jiifsado mana jidhidhi-coodee. Waxan akhristaw u soo qaatay heestan oo ka hadlaysa, ruux la gaadh-siiyey dhibaato badan, si kaste xumaan loogu deyey, wax loola hadhayna aanay jirin oo milyan jeer wanjalaad loogu tallo gallay in uu ku dhinto, dabin kaste loo qoolay, intiiba wax lagaga qaadi waayey oo ka jibo keenay, siduu ulla jihaadaayey isaggii guudka kaga yimi, ka adkaaday oo ay aakhirkii markay wax ka guri waayeen, ee ay iyakii baaba iyo jab u dhamaatay la baryaayo oo ay yidhaaheen aynu heshiino, isna yidhi god laba jeer la iga wadda qaniini maayo ee cirka soo leefa.
Waxan hadaba uga socdaa, oo ay tahay ujeeda-daydda aan qalinka u qaatay, sheekadda maalmahan la wado ee ay rag meel waayey iyo cadawgu ka wadaan Tv-yadda, jaraa’idka iyo shebekedaha af Somaligga ku hadla kaas oo ay buun-buunina-yaan, iyaka oo leh somaliland way u dhamaatay, oo Maraykanka baa ictiraafay Waxan ay ku sheegaan Somaliya, bay ku saabsan tahay heesta aan gun dhiga uga dhigay maqaalkan ee aan xaga sare ku xusay, sidaas oo ay tahay, waxan u sheegayaa kuwa rajadda intaa ka dhiganaaya ee ku maaweeli-naaya naftoodda, khiyaaliga isu sheegaaya, moodaaya in ay wax ku yeela-yaan Somaliland, waa kuwo naf la caarid ah, haad geed waayey uu isku taago, oo samadda siduu u heehaabaayey ku xiiqay, raba cid u gacan haadisa, waa qaar iska indho tiraaya xaqiiqdda oo ay dhabankii iyo gacmii isku daaleen, siddii ay dhafoorka isu hayeen, ka soo hadhay waxaas baa la yidhi iyo anakaa wax og, ee horta cidi wax ma idin waydii-naysaaba aan is odhan, iyo waa intee qiimaha aad ugu fadhidaan ummadda Reer somaliland?
Waxa la yidhi ” Lax dhukani abaar moog” ee ma og-yihiin, Somaliland in aan maraykan iyo qayrkii toona aanay wax ka qaadayn, waxna siin jirin ee ay kun masiibo oo soo maray ay ka dul booday, si kaste la isu hor taagay oo loo taag waayey, laga la quustay in la jareeyo, oo nin kaste oo khasab iyo sandule isku deyey in uu ku hogaamiyo ay meel mari wayday. illaa iyo malaintii lagu dhawaaqay S.N.M oo ahayd 06/04/1981, halgankii hubaysnaa ee ay la gashay jaahilkii dalkii haysaty, kaas oo ciidankii ugu xooga weynaa Afrikadda madaw, uu geed sare iyo kid hooseba u fuulay in uu burburiyo, xataa u soo gaxaystay awr-kiraalayaal koonfur Afrika ah, tab iyo xeel wixii uu isu geeyey, siyaasad, muruq intaba uu ku guul daraystay.
Miyaanay ogayn in ay tahay S.N.M Jabhadda keliya ee aan cid caawisaa jirin aduunka, haday tahay hub, ciidan, maal, siyaasad ee keligeed is maamushay, nin tidhi gacmaa ku hoos dhigan maayo ee ka shuba, kii is yidhaaha hor roorba. miyaanay ogayn in hore loogu taag waayey cuna- qabatayn, dhaqaale kalla dagaalan, maslaxaad iyo sasabasho oo nin walba markuu dhoorku daalay ay dan uga dhaqaaqeen. ma cid bay ka dedean tahay, haddii ay sidaa ku baaba’ayso Somaliland in ay beri hore ay samayn lahaayeen, iyadda oo halka ay maanta joogto ka liidata, miyey ka dedean taahy in wax loola haday aanay jirin, oo maanta lagu dayaa, muxuu sheegayaa Maraykan iyo xulufa-diisu? ma awel bay wax iska hagranayeen? tan aad la koodhaa-dhaysaana mid na khusaysaba maaha, oo halkan lama ma yidhaaho somaliyadda la leeyahay wax baa la ictiraafay, aan far waaweyn idiinku qoree halkan waxa la yidhaahaa Somaliland, ee waad is dhex qaadeene horta kalla barta gudcur baad gudaysaane. tani maaha ta aad moodeene, kun arimood oo ka xun baa soo maray( waaba tan aan na khusayne).
Waxan ku soo dabray maqaalkan oo la yidhi “ Waraabe
orod-na wax lagaga qaadi waa, nabarna lala gaadhi waa” Somaliland waa wadan jira oo dhisan, nina aan hoos jiifin, halka ay marayso iyadda baa is keenaty, waa dal uu dad-kiisu wax uu qabsaday laga makhruuqsan yahay, markii la gaadhi waayey ee, loo tlin kari waayey, sidda somaliya, la arkay in ay tahay mid iyadu isku filan. kuwa dabadad u ruxaaya way baaba-aysaa waxan leeyahay, ka quusta somalialnd oo candhuuf-tiina dib u liqa, illaahay mooyee cid kalle oo ay ka baqysaa ma jirto’e ha daalina, hana karaamo seegine habaar lagu kari waaye, kuwa aad sheegaysaan iyo idin-kuba dameer ciyaaya noogama duwanidin ee iska dhara-qaama, waa ciil kama kore iyo caada-diise.
* N.B. Nin kelyo jilicsan bay kaadiyi dishaa!
Abdi-Shotaly,
Oodweynenews.com