|

Kooxaha Ciyaaraha G\Togdheer Oo Isuduwaha Gobolkaasi Iyo Wasiirka Ciyaaraha Ku Eedeeyay In Ay Kala Qaybin Ka Dhex Bilaabeen Kooxaha Spoortiga Burco.

Burco(OWN)- Qaar ka mid ah dhalinyaradda Kubadda Cagta ee gobolka Togdheer ayaa cabasho ka muujiyay qaabka wasaaradaasi u xulayso  kooxaha ciyaartoyga gobolka Togdheer ee u safan-doona ciyaaraha gobolada ee la filaayo in ay dhawaan dalka ka qabsoomaan  .

 

Sidoo kale kooxahan oo  u waramay qaar ka mid ah warbaahinta  ayaa Isuduwaha ciyaaraha ee gobolka Togdheer iyo Wasiirka wasaaradaasi  ku eedeeyay in ay kala qaybin ka dhex bilaabeen kooxaha Spoortiga ee gobolkaasi ,taasi oo mudooyinkii u danbeeyay khilaaf ka taag-naa ,inkastoo arintaasi , uu dhinac iskaga duway agaasimaha ciyaaraha Togdheer.

 

“ Anigoo ka mid ah ciyaartoyga gobolka ee ka qaybqalay ciyaarihii gobolada ee  sumcad xumada Burco usoo hoysay ee Afarta gool lagu dhuftay iyadoo gurigayagii lagu ciaaraayo ,taas oo ahayd  sabab ka jirta wasaaradda Spoortiga ee gobolka Togdheer dhexdeeda oo ay ka danbeeyeen rag ka mid ah wasaaradda kuwaasi oo cayaarahii Kubada siyaasad dhex galiyay oo u diiday ragii waxan aqoonta u lahaa ,ciyaartoygiina kala qaybiyay .

markaa iyaddoo wasaaradda laga filaayay in ay u guntato sidii aaney guuldaradaasi usoo noqon isla markaana  ciyaartoyga gobolka xaafad xaafad ku soo xulaan ayaa  isuduwihii ciyaaraha ee gobolku waxa uu bilaabay in ,cayaartoygii cayaaraayay uu xaafad qudha ka dhigo ,tababarayaashii iyo kabtanadiina isku reer  ka dhigo ,markaa waxaanu leenahay waxaasi wax soconaaya maaha ,waxaananu ku eedeaynaynaa arintaa oo ka danbeeya isuduwaha iyo wasiirka ciyaaraha “ Sidaasi waxa yidhi Maxamed Cabdi Maxamuud (Cadho).

 

Ayaanle Cabdale X. Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa hadaladiisii waxa ka mid ahaa. “ Horta marka u horeysa waxan la ciyaarayaa waa Kubad ,sababta Kubada loo ciyaarayaa ee gobolada layskaga horkeenayaana waa in dhalinyaradu is dhex gasho ,la mideeyo ,dad isjecel oo isbarta oo walaalo ah noqdaan ,markaa anagoo aan goboladii kale is gaadhin ayay wasaaradayadii muujinaysaa qaabab xun xun ,oo ay waxyaabahii aanu uga jeednay Kubadan aanu ciyaarayno in lagu dilo  qabyaaluna ka mid ka ahayd is dhexgalka dhalinyaraduna ka mid ka ahayd ayaabay wasaaradayadii gobolku wixiiba iyadii dhinac ka raraysaa ,anagoon gobol kale-ba gaadhin ayay iyadii nakala qaybinaysaa waana waxaanu ka cabanayno .

Markaa waxaanu  wasaaradda ka codsanaynaa  intaaney faraha ka baxin guuldaro xumina gobolka usoo hoyan in waxan nalaga hagaajiyo oo ciyaartoyga gobolka laysku dhex daro ,haddii kale waxa dhici-doonta in guuldaradii hore mid la mid ahi gobolka ka dhacdo oo aanu kaftami wayno “ Sidaasi ayuu Cabdale hadalkiisa kaga baxay.


Mustafe Cabdiraxmaan oo isna ka mid ahaa dhalinyaradan ciyaaraha ee cabashadooda ka hadlaayay ayaa yidhi.


“Anigoo ka mid ah dhalinyarada Togdheer ee ciyaaraha ee jecel in gobolkani horumar gaadho , imika waxa na-hortaagan carqalad dhinaca isboortiga ah ,carqaladaasi waxa ka danbeeya wasiirka isbooriga ,agaasimaha iyo badhasaabka gobolka markaa horta Dawladda oo dhami imika dhan ayay ka rarantahay ,haday dhan ka rarantahay-na  anagu odhan mayno dhankaa u toosiyee ,dhanka ay doonaan ha gaystaane ,laakiin cabashadayadan aanu imika gudbinayno halka aanu gayn lahayn waa ,wasaaraddan isboortiga ,maadaama ay isboortigii tahay kii ugu sareeyay ee wasiirka aha a ayaa isagii dhinac ka raran markaa waxaanu leenahay wasiirka ,wasiirkayagii ayaad tahay waxaad ku joogtaa codkii dadweynaha ee madaxweynuhu haystay , markaa isi-soo-sax ,.

Badhasaabka gobolka waxaanu isna leenahay waxaad tahay badhasaabkayagii adaa gobolka xukuma amaankii gobolkaad xaqiijinkari la’dahay ,doorashaa gobolka ka dhacdoo boqolkiiba Labaatan ayaad amaankii gobolka xaqiijin-kariwayday markaa cayaaro ayaad faragalinaysaa ee shaqadaada maaha ee ka bax.

Agaasimaha gobolka isna waxaanu leenahay markaanu kuu keeno ciyaartoygii  oo leh ,kabtankii ,Koojkii , tababarihii iyo gudoomiyihiiba ayaad na horkacaysaa markaa ogow ma tihid kii nagala q aybqaybin lahaa “.


 

Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Xasan Cali Cismaan iyo Cabdixakiin Cali waxaaney dhamantood khilaafkan ka aloosan xulista ciyaartoyga gobolka Togdheer ku eedeeyeen isuduwaha ciyaaraha ee gobolka Togdheer iyo wasiirka waxaaney ku wargaliyeen in ay si deg deg ah wax uga qabtaan cabashadooda ,hadii kale ay masuuliyadeeda qaadi-doonaan wixii ka yimaada ee guuldaro ah.

 

Geesta kale isuduwaha Wasaaradda ciyaaraha gobolka Togdheer Cabdiraxmaan Yuusuf Fagadhe oo aanu eedaynta  loo jeedyay wax ka waydiinay ayaa dhinac iskaga duway  waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ Anigu arintaa wax shaqo ah oo aan ku leeyahay ma jirto  xulista ciyaartoygana waxa ku shaqo leh ,macalimiinta ciyaartoyga u xilsaaran ,xulistooda “Sidaasi ayuu hadalkiisa oo kooban kaga baxay.

Cabashooyinkan ka taagan ciyaaraha gobolka Togdheer ayaa mudooyinkii u danbeeyay soo xoogaysanaayay isla markaana dadka Kubada faalanqeeya iyokuwa waxgaradka ah ee gobolkaasi ku sugan ayaa  ka cabsi qabaa hadaan arintan wax laga qaban  in ay gobolkaasi usoo hoyndoonto guul-daro dhinaca isboortiga ah ,taasi oo ay dadweynaha reer Burco ka xanaaqaan.

Oodweynenews.com/Burco

COMMENTS