Maahmaaho Cusub. Abwaan Axmed Cabdilaahi (Axmed Fartaag)
Maah Maaho Cusub
Abwaan Axmed Cabdilaahi Maxamud
Axmed Fartaag
1 Bilawga fiican ayaa keena dhamaad fiican
2 Walaalkaa iska riix aday wax ku yeeshaa
3 Dalba waa dadkiisa
4 Wadani waakii wax tara
5 Gaajaa ruuxa gubta
6 Guga guunyadaa dhala
7 Godka Iyo geedkuba waa gabood
8 Waqtigoo adkaadiyo warar waayaha dhala
9 Geel dhalay baa gorof loo cushaa
10 Hadh-qaboow hurdaa taal
11 Hambaa laga hanwayn-yahay
12 Xoolaha xeraa midaysa Dadkana xeerbaa mideeya
13 Qofna wuu dhaqdaa Qofna wuu dhaxlaa
14 Geedi aan la degayn lama guuro
15 Qof baa ku dhici mooyee isma odhan qudhaanjaa ku dhici
16 Halyay baa horseed laga dhigtaa
17 Nina xoogiisaa lagu xisaabtamaa
18. Nina xoolihiisaa lagu xisaabtamaa
19. Nina Xiniintiisaa lagu xisaabtamaa
20. Nina xeeladiisa lagu xisaabtamaa
__________________________________________________________________
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
