|

Maansada: Dhimasho. Curiye moholin

Dhimasho  waa  magaca  maansada

………

sannad  wanaagsan ayaan  idiin

rajeynayaa  bahda  oodweyne

iyo  ummadda  reer  so/laan

aan  bilaabo

Anoo  dhaaf  le  maansaba  runtii

Dhinac  u weydaaro

Ayuunbay  haddana  dhega  maqlaan

Meel  dhaqaaq  mudane

Bal  dhegeys ta  maantana  tixdaan

Dhabugu  faa looday

.

Haddii  ay  dhabtood  tahay  warkaa

Shebekad  loo  dhiibay

Iagina  dhex  joogaan  qofnaba

Dhuumad  laga  waa  yay

Ooy  weliba  muran  ay  dhigaan

Dhimasha  wee  yaane

.

Afarteeda  dhinac  qayladii

Shacab  ku  dheeraaday

Dhegba  jalaqdea  hawsiin  haddii

Lays ka  dhaadhici  yay

Dhafoor  kaa  iyaga  daalibay

Dhagari  saa  raane

Dhabbac  duun  hadday  aa  minaan

Dhimasha  wee  yaane

.

Awr teenan  wada  dheelidee

Dhoomihii  qubaya

Dhalaal  baan  hadhayn oo  madhnaan

Yay  u dhawda  haye

Dhaar  sanii  haddaanuu  arkayn

Dhimasha  wee  yaane

.

Markay  dhabaqdo  xaajee  bulshada

Dhoobo  lagu  saydho

Dhibta  iyo  qaxay  soomareen

Cidiba  dhaaday  nin

Marka  uu  murtida  dhuuxihii

Taa  ka  dhiidhiya  yo

Dhirbaa xadan  abwaan  loo  qabsaday

Dhimasha  wee  yaane

.

Naafada  dhextaa  liyo  agoon

Dhama,ahoo  liita

Dhuuniga  la quutiyo  aqoon

Waxa  dhigood  haysto

Aabahood  ku wuu  dhiirin  jiray

Maanta  dhuri  hiiya

Dherigaba  haddaan  loo  darayn

Dhimasha  wee  yaane

.

Innamadan  dhabbada  yaa  ca  yee

Dhaca  ku   raacdee  yay

Ku  dhaqaaja  qaar  soo  amroo

Dhuun cas  kala  daalay

Dhagdhag  iyo  hanjabid  loogu  daray

Dhaqan  ki  ceebaw  ye

Madaxdaa  haddaan  jeel  ladhigin

Dhimasha  wee  yaane

.

Dhan  gaagaalahaa  wada  sfani

Dhimasha  wee  yaane

Halgan  kii  raga  dhaawacaw

Dhimasha  wee  yaane

Inta shacab  ku  maya  uu  ku  dhigay

Wada  dhalee  ceeyay

Iyakana  haddii  aan  la dhimin

Dhimasha  wee  yaane

.

Xeer  kii  ladhigay  ee togdheer

Dhaabad  lagu joojay

Dhawr  labaatan  iyo  sano  intaa

Samo  ku  dhaw raaday

Inaan  loo  dhowaan  ay  qoreen

Dhinac  yadii  taagay

Dheel dheel  haddii  loogu  tago

Dhimasha  weeyaane

……..

Curiye  waa  moholin

————————————-

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.


COMMENTS