Maansadan Magaceeda Waxaa Layidhaahdaa Damiirkaaaga Taageli
Wuxuu Yidhi Abwaanku
Ninka Duurka Shidayee
Dogobada Dulsaare
Deegaanka Gubayoow
Hada Daaradaadiyo
Derintaad Kujiiftaa
Gaasbaa Dultaalo
Dabku Dhaafimaayee
Damiirkaaga Taageli
Ninka Shalay Nadirayee
Dagaalam Nayidhiyow
Ma In Aad Dumaashaa
Dariqii Afweyniyo
Duubcastiisi Oo Kale Oo Aad
Durbadiiba Moorgan Noqotaa
Daartiisiina Dhaxashaa Oo
Digtaatornimo Kutalisaa
Dabadeed Dabley Aan Naxayn Iyo
Dayrkiyo Afaafkiyo Dusha Sare
Tubtaabuu Dubaaqaagu Show Rabay
Duunyo Urursigaaguna
Danyartoon Qadayn Weli Baad
Duhur Cad Durbaanada Utumatoo
Kuhor Dabaal Degaysaa Oo
Idayaay Kuleedahay
Doraad Kii Gabyaayee
Deelayda Tiriyee Xaqa Ku
Daakiraayee Diidaayey Xumahow
Maantay Kadarantoo
Dooxatay Ku Dhawdehee
Maxaw DaawanaysaaN
Ninka Dawladnimadii
Dadweynuhu Udhiibteen
Dahab-Shiil Kadoortee
Danta Guud ilaawee
Ganacsatada Duntoodiyo
Dunjigooda Rogayow
Denbi Weeye Qaranoo
Dunidii Ogaataye Hada
Dabagal Baa Iman Oo
Deynweeye Kugu Maqan Iyo
Dulmi Kale Oo Aan Hadhin
Ninka Dalka Degaladiisii
Daafadeeyey Badankood Ee
Degmo Qudha Macsuumee
Derajada Uqaybshee Idifaaca Yidhiyow
Hada Derbigaad Kudhuumanaysaa
Madfac Baa Dalooshee Damiirkaaga Taa Geli
Dadkuna Mawjad Weeyaan Iyo Daadkii Hargaysee
Dooxa Weyn Qulqulayiyo Duufaan Wax Qaadoo Aan
Layska Moosikarina Weeyaan
Ninka Diiday Samahee Dimuqraadi Nimadii
Lagu Doortay Dumiyow Ana Diiday Taadoo
Diiradlaan Cabaystaye Dab Hungaac Wadaadkow
Soo Daa Dhinbiilaha
Dulqaadkaygii Badnaabaa Dib Ugocashadiisii
Darenkayga Kiciyoo Dardar Geliyey Gabaygii Oo
Duurxulkiisu Waa Nabad Diidaysa Xumahoo
Daryeelaysa Maatada Iyo Dalka Wada Jirkiisiyo
Iskuduubnieeniyo Ducafada Iyo Agoontana
Duudsigooda Neceboo Way Udagaalamaysaa
Oo Doco-Docaynta Ma Ogola Oo Daba Dhilifka Ma Ogala
Dib Usocodna Ma Ogola Oo Duubka Boqorkay Xidhatoo
Waxay Daadahaysaa Daacadiyo Sinaantiyo Daddka Oo Walaala Ah
Ayey Udabaal Degtaayoo Dilaalkiyo Milaalkana Daabcad Bay Usidataa
Oo Wayla Dagaalamaysaa
Dulmar Weeye Sheekadu Oo Qori Baana
Degta Usudhan Dockayeedh Qabiiliya Oo Difaacaaya Xumahiyo
Daba Gura Ma Ogola Una Dulqaadan Maysoo
Doohduba Madaabrtee Demanow Ka Dheerow
Inta Goori Goor Tahay
Digadana Haysku Kaakicin Ka
Dabaalanmayside
Deerayahankii Buurtow
Dekadiyo Kaluunkii Iyo Warshadihii Iyo Sibidhkii
Daayinkeen Kusiiyiyo Meeday Duunyadaadii ?
Sawtan Ina Daahir Daldalatee Dufankii Ismarisee
Shan Nin Oo Dulsaarana Debedaha Ka Keentoo Aan
Daaroole Garanayn Ramaaxna Uu Daafadeeyo
Cabadalena Doodiisii Kadhiibtay
Debigii Banaankiyo Balka Daaqijirayow
Ma Dooxadii Libaaxiyo Daaradii Shabeelkaad
Damaankaagii Gaysoo Waad Dooyeysanaysaa
Mise Waad Dar Jiidhoo Dayaa Kaa Sasabatoo
Dabinkii Khiyaamada Kuu Dalaalimaysoo
Dukaan Kaa Dhex Furatoo Idifaac Ku Tidhiyoo
Denbigaa Ku Gelisoo Welina U
Dabarku Kuugu Xidhanyahay
Ibraahim Egaal
————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
