|

Maanso: Magaceedunu waa Guulaamo waxa curiyey abwaan mustafe khashab

maansadan waxa curiyey  abwaan mustafe khashab

magaceedunu waa guulaamo

                        
goortuu cir weynuhu
guulaamo kiciyee
daruuraha is galiyee
fadaadkuna is gaadhan
gafacliyo tis gaaxdiyo
in uu yahay mid gamashiyey
ama yahay gu weynii
galbinaayey sagalkee
gulaheen ku talo galey
markuu curasho gaadha
la gartaa ujeedada

ana gacalayaalow
xalay gelin dhaxaadki
markii aan hurdada galay
gocashada dareenka leh
riyo ma isla kala gurey

Aan ararta gaabsho
maansada gunteediyo
u gudbo ujeedada
inta golaha joogtiyo
inta gaar iskaga maqan
goonyaha ku kala sugan
gacaliyo xigaalow
marka hore salaam guud
muxubale  gudoonsada

marka  xiga gargey yahay
gabayga iyo maanasada
waxan uga gol leeyahay
iminkaan geed baxayaa

habaryoonis waa guun
gobolada dalkeeniyo
gayigaba u faro badan
gurgurshaga maalkiyo
misna guuya meel mara
gooni gaar uma ahaano
gooni uguma faana
ma wax maanka gelayaaa
ma dalkaynuan
goonida u taagne
calankaa ku guud sudhan
anigu aan gardaadshe
gumuciyo rasaastiyo
geeri ugu badheedhne
rageenu ku goostan
manta gaaf wareegiyo
gacmo madhan ka joogna
aynan garaadiyo
wax abaalkii gooyiyo
sumcad gaara ku lahayn
goblan talo aduunyay

afartaa canaan gole
guubaabo ugu ladhay

Wali gabaygu meeshaan
geediga ku soo raray
maansdu ma gaadhine
bal aan gooha qiirada
dib u sii falamo guro

dhaaxaynu gacalow
teenii ka guurno
guluf iyo is maan dhaaf
guri kale dhisanye

dhaaxaynu gacaloow
inba kooxo gaariyo
gooni loo faquuqo
arinkeenu  gamashiyey
taladuna garoocnayd

dhaaxaynu gacalow
gaaradkeenu wiiqmo
garashada aqoonta leh
tayadeeni gobanimo
meelkalete galinoo
teena gaadhi weynee

Waxaan gabi dhaclaynaba
horta galan galcawgii
gudcurkii la soo dhaaf
gujo baylahdaan qabay
maantaan ka gudubnoo
la gariif wareerki

Waxaan uga gol leeyahay
habaryoonisey     gebi
hadii talada geestiyo
laga joogo goonyaha
hadii guud cirooliyo
gudi loo xil saaro
guurti iyo aqoonyahan
gorfaynasa xaajada
marhadii dantii guud
habaryoonis garatoo
anyu horumar gaadhniyo
sumcad loo gol leeyahay

Marhadii gun iyo baar
caqli iyo garaad wacan
arinkeenu gacalow
gacmo wado jirkooday
wax ku goyn karaan tahay

mar hadaynu gabigeyn
goobaha degaanliyo
badaheena guuxiyo
dhulkaan gaar u leenahay
dekadaha is garab yaal
tacab baynu galinaa
aynu manta garano
gooshkan loo diyaar yahay
mar hadii goaankaa
talo lahu gunaanaday
gundhigeenu waa khayr
guulow allahayow
adana guusha nagu hano

by      tafatirdii iyo qalinkii ahmed kayse ismaciil
hajjimedia1@live.com

—————-

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS