Maanso: Laba dhinac By: Maxamuud cismaan ( moholin )
22 / 8 / 2004
sannad wanaagsan sannad nabadeed
sannad cadaaladeed
Waa maansadii laba dhinacaan bilaabo
Halka ay ka dhawda hay murtida
Waa ka soo dhura,e
Afarlaa la dheel dheela yee
Sida dhud waa raac
.
Dhadhan male adduunyada qofkii
Keli dhex joogaaye
Laba dhinac ayay leeda hiyo
Gebiya dhaadheere
Dheeldheel sukuu uma koraan
Dhoorka baar ka ahe
.
Isudheeli tiran yaan rarkuba
Awr dhib ku ahayne
Marka dheegga qaar madhan yihiin
Dhaba bacayn waaye
Dhulka iyo cirkaa (RAXMAAN )
Uu dhamays tira ye
.
Midabada dhalaa liyo caleen
Ubax ku dhooraaday
Dadku inay dhugtaan yaa wanaag
Ay u dhigan yiine
Laba iyo kasii dheer dalxiis
Way ku dhiiramiye
Dhudda qudha ayaan kala jeclayn
Dhoofka iyo jog
.
Dhadig iyo lab yaa loo xukumay
Inay is dhawrtaane
Sida uu ( QURRAAN )keennu dhigay
Ee dhab ugutaala
Huga yaaba laysaga dhigoon
Muran ku dheeh nayne
.
Dhuumaa laysi nolol maaha iyo
Dharab ka raac raace
Dhukus male xayaatee runbay
Dheeman kuu tahaye
Isusoo dhowaadoo kalgacal
Dhidi badaw aasa
.
Dhex gala ka feejiga noqdiyo
Miduu dhalee ceeyo
Wixii dhaxal gal mooyee cid kale
Dhegaba haw yeelan
Waa duni dhamaa dee denbiga
Badi ka dhee raadee
Maxamuud cismaan ( moholin )
—————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
