Madaxweyne Siilaanyo Oo Booqday Dadkii Ku Waxyeeloobay Shilkii Shalay Ka Dhacay Bariga Hargeysa +SAWIRO
Hargeysa (OWN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka booqasho ugu tagay dadkii ku dhaawacmay shilkii shalay ka dhacay bariga magaalada Hargeysa ee ay ku dhinteen askarta iyo dadka rayidka ahi kuwaasi oo ku jira cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa .
booqashadan ayaa waxa madaxweynaha ku weheliyey madax ka tirsan xukuumadda oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo saariish
a ciidamada.
Madaxweynuhu waxa uu saaka qof qof u soo booqday dhaawaca ku sugan Cusbitalka weyn waxaanu madaxweynuhu soo kormeeray waadhadhka ay ku sugan yihiin dhaawacyadu isaga oo soo arkay 4 askari oo iyaga ay xaaladoodu aad u culustahay oo kuwaas oo ku sugnaa qolka gargaarka degdega ah ee cusbitaalka. madaxweynaha ayaa waxa uu lug ku yimi xarunta cisbitaalka isaga oo markii dambena ku laabtay xarunta madaxtooyada isaga o lu gaynaayey .
\


mid ka mid ah dhaawaca ugu cusus
Oodweynenews.com,Hargeysa Office






