MAQAALKA XASAN MAAL CUMAR WAA MAQAALKII…, By: Ismail Abdi Xildiid ‘Jaamo’.
Dadkeena kuma badnaa mufakiriinta cilmiga leh ee ku darsaday aqoontooda la socoshada taariikhda dhamaan dhulka soomaalidu degto gaar ahaan qormadeena ama Somaaliland.
Xoriyadii Somaliland yaa tuuray?
Waxaan moodayey inay dadkeeno kaligood iska jiboodeen oo ay xoriyadoodii si fudud isaga tuureen laakiin waxaan aad u sii murugooday markaan akhriyey maqaalka Xasan Maal iyo sida Talyaanigu inoogu khiyaameeyey reer Somalia kaas oo aan rumeystayhubana inay sidaa uu qoraagu sheegay wax u dheceen waayo iyagu caqligaa maanta ayaaney lahayn iska daa qarni hortiiyoo.
waxaan ka codsanayaa dawladda Somaliland inay aragtidaa aqoonyahanka qaadato kuna saleyso wadahadal kasta oo ay la yeelato Somalia oo uu uugu horeeyo wadahadalada dhawaan labada madaxweyne yeelandoonaan.
Waxaan qabaa inay waajib inagu wada tahay inaynu maqaalkaa aan ka soo sheekeeyey u aqoonsano ka uugu wanaagsan ee uugu faa’iidada badan waxyaabaha ilaa iyo hadda laga qoray dalkeena.
Hadda laga bilaabo waa inayno saamaxaad iyo faataxaba isugu darnaa intoodii dhimatay dadkii barigaa joogay kuwa noolna raaligalinaa waayo dawlad reer Yurub ah oo aan xishooneyn ayaa lugta iyo indhahaba u qabatay soomaaliya barigaa mana ahaa arrinku in dadkeenu Xamar iska caashaqeen taas oo ka duwan dacaayaday faafiyeen walaweynta iyo Talyaanigu.
Waxaan u soo jeedinayaa Sirdoonka Somaliland iyo xukuumadda oo dhanba inay aad u digtoonaadaan uuna fiiro dheeraadaan sidii ay umadda uuga ilaalin lahaayeen cadowga gudaha iyo dabadaba jooga ee doonaya inuu calanka tawxiidka dhulka soo dhigo cadowgaa oo maalintay sanqadh inaga maqlaan bilaaba inay soo xiirtaan kana hadlaan warbaahinta tii ooy farxad iyo digasho ka muuqato.
Ugu danbeyn waxaan u soo jeedinayaa Hartiga iyo Dirka u dhashay Somaliland ee Xamar u jooga waxyeeleynta Somaliland inaanay wakhtiga iska lumin waayo Somaliland laba goor god qudha laga wada qaniini maayo, sidaa awgeed maanto shalay aad bay uuga duwantahay waxaana ka markhaatiya heshiiska iyo iskaashiga cusub ee dhex maraya beelaha wada dega dalka kaas oo maalinba maalinta ka danbaysa muujirnaya sida reer woqooyigu isugu danta qudha u yahay.
Hadii Xasan Maal Cumar aan ku sheegay qoraaga qarniga waxaan shabakada Oodweynana mutaysatay inaynu u aqoonsano shabakada uugu wargaleensan islamarkaana uugu run sheega badan ee ka wada dhaxaysa bulshaweynta oo dhan.
Ismail Abdi Xildiid ‘Jaamo’.
—————————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
