|

Mudaneyaasha Baarlamanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho

Muqdisho(OWN)- Mudaneyaasha Baarlamanka Soomaaliyeed oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku kankoodii maanta ku sameeyay gudiyo joogto ah kuwaas oo gaara 15 gudi.

 

Kulankii maanta ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho xildhibaanada ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Mudane Mahad Cabdala Cawad waxaana soo xaariday oo kooramka buuxiyay 176 mudane.

 

Ajandaha kulankii maanta ayaa ahaa sameynta gudiyo joogto ah oo uu yeelanayo baarlamanka Soomaaliya waxaana gudiyadii la magacaabay ka mid ahaa gudiga dib u eegista iyo dhaqan galinta Dastuurka, gudiga maaliyada iyo la xisaabtanka miisaaniyada qorsheynta iyo iskaashiga caalami ah, gudiga xaqiiqo raadinta dib u eegista iyo hanti soo celinta iyo gudiyo kale iyadoona akhrinta kadib ay mudaneyaasha galeen dood dheer oo ay uga arinsanayaan magacaabista gudan cusub.

 

Dooda kadib ayuu shir guddoonka baarlamanka waxa uu ugu baaqay xildhibaanada in isla maanta ay ansaxiyaan waxaana cod gacantaag ah loo qaaday ogolaasha gudiyada cusub.

 

Mahad Cabdala Cawad guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka ayaa ku dhawaaqay natiijada waxa uuna sheegay in codka gacan taaga ah oo ay sameeyeen xildhibaanada ay ogolaadeen 167, 6 ay diiday halka 3 ay ka aamuseen sidaas daraadeedna uu ansax ku yahay gudigaas.

 

Oodweynenews.com/Muqdisho Office

COMMENTS