|

Musharaxa Madaxtinimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, Ayaa Ka Waramay Taariikh Nololeedkii Marxuum Jaamac Xayd.

Djabouti (OWN):- Hotelka Kempinski ee magaalada Jibouti oo xarun u ah madaxda xisbiga UCID ee ka qayb gallay aaskii Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd alla ha u naxariistee Guddoomiyahii baanka Jibouti oo habeenkii xallay lagu aasay magaalada Jibouti ayaa Musharaxa madaxtinimada xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee xisbiga UCID Mujaahid Cali Guray shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen hotelka Kempinski waxay tacsi u direen Madaxweynaha Jibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle marwadiisa Khadra Maxamuud Xayd, shacabka Jibouti iyo qoyska ilma Maxamuud Xayd geerida ku timid ilaahay ha u naxariistee marxuum Jaamac Maxamuud Xayd.

Jamaal Cali Xuseen musharaxa madaxtinimada xisbiga UCID oo ay saaxiib aad iskugu dhaw ahaayeen Jaamac Maxamuud Xayd ayaa ku tilmaamay inuu ahaa nin weyn oo aan dabaceedadiisa wax lagu qiimeeyo aan la garanaynin “wuxuu ahaa nin wanaagsan oo dabeecadiisu yar iyo weyn ay deeqi jirtay, wuxuu ahaa nin keli ku ahaa haybad ilaahay siiyey oo ahayd inuu ahaa nin yar iyo weyn si isku mid ah ula macaamili jiray, wuxuu ahaa nin aad u naxariis badan isla markaana ahaa nin aad u aftahan ah” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Wuxuu Jamaal Cali Xuseen sheegay inuu Marxuum Xayd haldoor u ahaa halgankii xornimada dalka Jibouti isagoo arday ah oo dalka faransiiska wax ka bartana uu madax ka ahaa ururkii ardayda Jibouti ee u ololaynayey inay dalka Jibouti xornimo buuxda hellaan, wuxuu yidhi Jamaal “wuxuu ahaa nin dhaqaalayahan ah oo markii uu Jibouti yimidba ka hor xornimadii olole baaxadleh kula jiray gumaystaha faransiiska sidii ay Jibouti xornimadeeda u hantiyi lahayd, markii danbanana wuxuu ka mid ahaa maskaxdii dejisay dhaqaalaha dalka Jibouti ilaa sannadkii 1994-kii oo uu noqday Maamulahii Baanka ganacsiga Jibouti isla markaana markii danbe isku rogay Bangiga dhexe ee Jibouti” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Dhinaca kalana Guddoomiye Cali Guray ayaa ku tilmaamay Jaamac Maxamuud Xayd inuu ahaa halyey taariikhda labada dal ee Jibouti iyo Somalilandba meel weyn kaga suntana ummadda afka soomaaliga ku hadlaysana dhex u ahaa ayuu yidhi Dhinaca kalana Musharaxa madaxtinimada ee xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa usoo kicitimaya dhinaca iyo waqooyiga Amerika isagoo toos u iman doona magaalada Newyork dabadeedna 26 January magaalada Toronto ee dalka Canada kaga qayb gallaya munaasabad balaadhan oo loogu dabaal degi doono xisbiga UCID, halka Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee xisbiga UCID Cali Guray uu ku laaban doono magaalada Hargeysa halkaasi oo uu si ku meel gaadh ah u noqon doono Guddoomiyaha xisbiga UCID inta uu dalka ka maqanyahay Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, isla markaana bisha February ayaa gudaha Somaliland xisbiga UCID ku qabanaya shirweyne lagu balaadhinayo xisbiga UCID isla markaana dib loogu habaynayo guddiyadiisa kala duwan.

 

Xigasho Ucidmedia.

COMMENTS