|

Muusaa Wuxu Gallay Siyaasad (Faallo)!, By: Abdi-Shotaly

 


Aduun-yadu waa ayaamo, haddii aanad aad yar socon , adaa isi soo dabro, af-kaad dhulka aad la geli, abaal-kaagaa ku heli, bal eeg inta kuu hadhay, Apriil weeye doorashadu, maxaad arin aad ka filan?  Saaka baa hadaba akhristaw ku fogayn maayo’e, sidda uu cinwaanku sheegaayo:- Muusaa wuxu gallay siyaasad, dabeed wuxu qaatay daasad, waxaa loogu shubay qudaarad, wuxuu isla taagay daaqad, waxa uu la booday baanad, Ina kaahin baa ku baneeyey baangad, Siilaanyaa ulla seexday sabaaxad, halkaa buu kaga hadhay siyaasad! Sidda aad ulla socotaan-ba dhamaadka bisha sadexaad, ama bilawgga bisha afraad, bay dhacaysaa doorashaddii golaha dhexe ee Xusbigga Kulmiye, kaas oo uu kulla soo bixi doono musharaxii uga qayb geli lahaa doorashadda madaxnimo, ee haddii alle yidhaaho loogu tallo gallay in ay timaado laba sano iyo dhawr bilood ka bacdi, hadii aanay dib u dhiicn, sidaas oo ay tahay baa hirdan balaadhan, oo biyaha hoos-toodda la iska laadaayey uu ka soo maaxanaayey, misana ilka-ha la isu cadaynaayey, “ oo qosol been ah, fool wadda qayaxan, qiil la garanaayo, booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo, iyo midiyo laysu qarinaayey” illaa iyo intii uu Madaxweyna-nimadda Dalkan Somaliland uu ku guulaystay Bad-Macaanshe ( waa madax-weyne Axmed Maxamed Siilaanyo’e).

Halkaa markii ay maraysay, baa waxa hadda iftiimay sheekaddii ahayd “ Daba-gaalle abeeso, dhushaas buu ka qabaa! Inuu duur la huluusha-na, dareen baa ka dhex oogan!  Dakanooyin horeetiyo, doogo soo kicinaaya! Dusaha waa ka heshiis, hoosna waa ka dagaal! Misna laysma danqaabo, dabin baa laysu xidhaa, didmo laysuma sheego, kolba kii ku dulaama, xabaasha loo dedejaa! dayo layska baxshaana, duumaalay ku ekayd”, la isla soo dhaaf hadaba dabaal jooj-tayntii, waxa la iska soo hor baxay iyadda la kalla sito sadex-geeslay iyo daab-gamuur ( tooriyo magacya-dood weeye malaa dhalinyardu ma taqaane), xaalku waa kashifmay, waxa soo kor maray cadhaddii la isu qabay, in la iska takhaluso mudo badan oo faalka la isu rogi jiray, hadda waa alaaw-ray iyo alaw-roonaa, tab iyo xeel, nin-ba tamartii, tog-ba taagtii, timir-ba laf-teed, nafba taaheed, halkuu tuhun dhigo iyo taladdii, taf wareen-kiyo tuugadda ahayd, tii allena maqan.

Wax ay tarantu noqota-ba, Raggii ma adigaa ka hadhay ( Ina Biixi), kuwii uu ku adeegsan jiray, ee uu ragga qabo-qabo  odhan jiray, waa Jaamac Shabeel iyo Waabeeyo’e, baa loo diray isaggii oo la yidhi, inta uu ku maqan yahay Jabuuti durbaanadda sii garaaca, surin walba-na qab sii dhiga, siilaanyo-na ogaan buu ugu diray jabuuti si uu ugu kashifmo, in uu yahay nin ay ka madhan tahay, waxa uu u qaatay daasadda aan xagga sare ku sheegay (siyaasad), ee uu siilaanyo sabaaxadda kaga riday! tallo faro ka haaday, madaxa iyo labadda gacmood kalla dhamaan waaye iyo dhabana hays, dibin cun waa ina daan weyne, awel waa la isu qayili jiraye, hadda gadhka baa la isu miiqaa, bal in uu mid-na ka kalle il-daabaano u hello uu dhulka ugu gooyo, iyo ka ku horayn doona!

Waxa hadaba maal-mahan si cad u ordaaya, oo qaatay biladdii dahabka ahayd ee oradkii 100 mitir ee xawdda ahaa, iyo kii 5000 ee mitir ahaaba Madax-weyne Bad-Macaanshe, wax-se weli hadhay kii 10.000 ahaa, oo la saadinaayo in uu fardo cad yahay Bad-Macaanshe, oo wiish la sare kici doono Raggii Ma adigaa ka  hadhay ( Ina biixi), waxa-se la yidhi wallee in aan wax sii dhiganin baan dhereg dambe u aayine, maanta buu leeyahay ” allahayaw banaan-kaba bohol kama malaysa-nine” Ninka laga tego, waa loo taagnaan, kii ay noqoto-ba.

* N.B Waayo’aragnimo Waa Wax Sheeg Waayeel!
  Abdi-Shotaly,
  Oodweynenews.com.

COMMENTS