“Qoladan Madaxtooyada Inagala Joogata Waxaan Leeyahay Dee Ilaa xalayba oo Dhaxan Badani Dhacaysay Meesha waa Nagu Hayseen” Mid Kamida Oday Dhaqameedyo Xukuumadu Ku Fangaraysay Inay Shirjaraa’id Qabtaan Kuna Taageeraan Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye
Hargaysa(OWN)- Shir Jaraa’id oo ay maanta soo abaabuleen Wasiirka Cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid iyo waliba Agaasimaha Gaadiidka Madaxtooyada Abshir oo ay kusoo ururiyeey odoyaal ay isku jilib yihiin kana soo jeeda beesha foonfur galbeed ee hargaysa (Arab) gaar ahaan Baasha Muuse Abokor ayaa sheegay inay taagereen Xisbiga Kulmiye.
Shirkani Jaraa’id oo maanta ka dhacay Hotel xaraf ayaa odoyaashan oo ilaa xalayba shirar doceedyo kaga socdeen dhanka Masuuliyiintan soo abaabulay ayaa waxaa goobta shikani uu ka dhacaayey lasoo dhoobay ciidamada booliska si ay gaadh uuga hayaan oday dhaqamedka lacagta lagu siiyey inay hadlaan.
Oday dhaqameedyadan oo ka koobnaa dhawr iyo labaatan isku beela ayaa halkaasi ka sheegay inay taageersan yihiin xisbiga Kulmiye waxaana hadalkoodii kamid ahaa ” waxaa hoe loo odhan jiray Arab waa kab kabtiina kulmiyaa gashaday, anagu waxaan maanta leenahay Anaga oo matalayna beesha Muuse Abokor waa in nabada laga taliyaa oo la ilaaliyaa cidna laga baryi maayo nabada “
Sidoo kale waxaa ay daaha ka qaadeen in ka beel ahaan ay taageeradoodii kula garab joogaan Kulmiye “Waan taageersanahay Hadaanu Nahay beesha Muuse Abokor Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo”
Wasiirka Cadalada ayaa wararku sheegayaan inuu waayadanba ku hawlanaa Sidii u beeshiisa ugu soo dabaali lahaa muxaafidada isaga oo kaashanaaya agaasimaha gaadiidka Madaxtooyada.
Dhanka kalana Oday dhaqameedyadan ayaa daaha ka qaaday inay ilaa xalayba ay shirar hoose yeelanayeen Wasiirka iyo qolooyin ka socda xukuumada . kuwaasi oo loogu gogol xaadhaayey sidii ay afkooda uuga soo bixi lahayd inay xukuumada iyo Kulmiyaba taageersan yihiin, si loo hello garab kamida beesha Arab o taageersan Xukuumada taasi oo fan badani kaga baxay.
Jamaal Cabdi Muxumed
Oodweynenews.com
Hargaysa
