Rajada Qabsoomidda Ciyaarahii Goboladda Oo Libidhay Iyo Wasiirka Ciyaaraha Oo Mar-marsiiyo U Raadiyey
Hargeysa (OWN)- Qabashadda ciyaarihii goboladda dalka ayaa muddo 3 jeer ah waqtiyo kala duwan loo cayimay taasi oo wasiirka ciyaaraha Cali Siciid Raygal oo mid kasta wax ugu cileeyey .
Muddadii ugu dambaysay ee ay wasaaraddu ku shaacisay in ay qayb soomayaan oo began maalinta barri ah 15 bisha 1aad sannadka 2013-ka ayaa waxa uu maanta markale sheegay in aanay ciyaaruhu ku qabsoomi Karin waqtigii ay hore wasaaraddu u sheegtay .
Arrinkan dib u dhigista ciyaaraha oo hore loo sheegay in Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Faarax iyo madaxweyne Silaanyo kulan uga yeesheen ,taasi oo ay isla meel dhigeen in ay ciyaaraha dib loo dhigo sababo dhanka amniga ga degmada Axmed –dhagax ah awgeed .
Hadda shir-jaraa’id oo uu wasiirka ciyaaraha Cali Siciid Raygal maanta ku qabtay xafiiskiisa kaasi oo aanay warbaahintu u dhamayn ayaa waxa uuku sheegay in ciyaarihii dib loogu dhigay muddo 6 bilood u dhaw oo ku began 2 bisha June ee sannadkan.
Wasiirka ayaa ku sababeeyey dib u dhigista intan leeg in ay wasaaradda soo gaadheen codsiyo kale duwan oo kaga imanaya dhanka qaybaha bulshada sida qurbe-jooga oo kuwaasi oo sheegay in ay u baahanyihiin in ay goob-joog ka noqdaan qabsoomidda ciyaaraha , oo ay dalka yimaadaan xilliga xagaaga sidaasina looga dhigay waqtigaasi.
Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in ay ka mid tahay sababaha loogu dib dhigay ciyaaraha ardayadii oo waqtigan ku jirta dugsiyada loona baahanyahay in ay ka qayb-galaan daawashada ciyaaraha .
Wasiirka oo la weydiiyey in ay ka mid tahay sababahan oo sheegay mid dhanka amniga ah ayaa waxa uu meesha ka saaray jiritaankeeda taasi oo uu ku tilmaamay wax aan meesha ku jirin.
Marka la eego dib u dhigistan faraha badan ee ay wasaaraddu ciyaarahu ku samaysay qabsoomidooda ee sannadkan c ayaa yar rajada dhabta ah ee laga sugi karo ciyaaro ay wasaaradda ciyaaraha ee uu madaxda ka yahay Wasiir Cali Siciid Raygal ay ku guulasato kana qabato dalka, iyada oo loo daliishan karo falashalka dhawrka jeer ku yimi ee ay wasaaraddu ka markhaati kacday .
Oodweynenews.com,Hargeysa Office

