|

Riyadii Aan Qabay Ee Rajadeedu Idlaatay !! (Qaybtii -2aad )

Hargeysa (OWN)-Saaxiibkay  sheekadii ii wad waxaanu ii tibaaxay in Ifraax oo ah gabadh ay sheeko wadaag ahaayeen muddo 6 bilood ah ,taasi oo ay isku barteen barta  nternerka ee Face-book  iyaga oo mudadaasi ay  wada haysteen  hogaanka  hawaasha iyo beerla xawsiga ay iskuna noqdeen laba qof oo markaasi u muuqday danwadaag.

“Magaalada xageebaynu ka degnaa ?” waa dhex-taal hadda uu carabku ka xadaayo saaxiibkay oo  inta uu I soo horfadhiistay si midab leh  oo waliba Af iyo sharaxaad-gacmeeda uu itaalkiisa iskugu geeyey isku dayayana in uu ku soo koobo mahadho-sheekeed jiitamaysay  6 bilood oo habeenkeeda iyo maalinteedaba leh .

 Waxaan xusuustay odhaah uu nin carbeed ii sheegay oo ahayd “ Carabku  waxa keliya ee isaga oo aan  laf lahayn wax  jabin kara, waxaanu  ka awood roonyahay qalbiga oo kaliya “.

Dadkuna kula kala awood roon   Af iyo Adinba , waxaana jirta in qof in badan hadlaayey uu ka saamayn iyo waxyeelo badan yahay mid isagu si taxa dir iyo juuqyari ku jirtay wax ku tibaaxay .

 Saaxiibkay waa Cumare ayaa waxa uu soo qaatay dhammaal fariin xoogan xambaaray  oo ay  u soo dirtay Ifraax kaasi oo  soo jaray  xawaare xoogan hase ahaatee waqti aan badnayn  ka dib  ku soo dhacay  khaanadda fariimaha iyo sheekada ee uu Cumar ku leeyahay  boggiisa Face-booka.

 Waxaanu u dhignaa sidan “ Walaal haka baqanin inta aad noolahay in aanu noloshaa kugu cidleeyo”.

Waxa uu sheegay Cumar in aanay hore aqoon buuxda isku lahay n Ifraax hase ahaatee ay qalbigiisa weerar ku soo qaaday waqti ay adeegsatay  kalimaadka  sixirka ah ee ay haweenku ku dabtaan raga ee ay ka mid tahay  Ifka noloshu waa adi, waxaad tahay maan qaboojiye , lama huraan ,   iyo qaarkale oo aad mooda in ay ka soo  carfayso urtii  geedkii  miskigu .

 Waxa hore loo odhan jiray “ Bidaar sibiq bay kugu gashaa “waxaa se uu Cumar taaganyahay Jacayl sibiq buu kugu galaa “.

 Mawjadaha hadalka ama hirarka (Waves) waa waxa xiisaha gaarka ah u yeela sheeko wareedyada  taasi oo ah in qofku hadba si   hakag  hoose u dhigo  iyo kor u qaad ku jiro uu ku soo dhex daro sheekada  uu tabinaayo,

 Haddaba saaxiibkay Cumar ayaa waxa uu adeegsanayey  hab dhac sheeko oo aan is idhi waxa laga soo dheehay  dhacdo xusuuseedkii Abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo marka aan dhagaysanayo sheekooyinkiisa aan is idhaahdo malaa dhagtaada  ayuu kala bakhalayaa in ay qaadato maqal buuxa taasi oo igu dhalisa  in aad si hadalku kaa baxsanaayo aad dhagta u so jiido dhanka uu kaa xigo.

Cumar oo isagu ah nin  haasaawe barad ah ayaa waxa ku soo horeeyey warmaha dareenka qalbiga isaga oo Ifraah u gudbiyey hadal u dhignaa in ay kala xaajooto hindise guur iyo mid gabadhnimo .

 Hadalka marka aan loo  meel dayeynin  waxa si fudud loo odhan karaa hadbaa waxii uu qofkaasi isleeyahay iskaga dhagamari  qofkan kale Qalbina waa miskiin

Waxay ugu soo jawaabtay Ifraax  oo ay la qaadatay  arrinkaasi Cumar in ay  markii horeba u arkaysay mid waqtigiisa la dhaafiyey.Waxayna isla qaateen in ay guur sameeyaan iyaga  muddeeyey waqti kama dambaysa ah .

Waad garan  kartaa dareenka ku xeeran  qorshe ay dad  isla meel dhigeen, ku tala galka iyo u diyaar garawga iyo luminta hawlaha kale ee uu gali karo mid kasta oo ka mid ah labadaasi qof gaar ahaan geesta daacadnidu ku dhawdahay .

 Marka ay marayso bishii 6 aad  ee barashadii Cumar iyo Ifraax ayaa waxa isbedel luuqadeed ku yimi dhanka  hadalkii iyo erey-isweydaarsigii  Cumar iyo  Ifraax , xidhiidhka iyo iska warhayntooda oo markii hore ahayd bilaa xuduud kuna eegayn waqtiyo ama amin gaar ah, waxayna uu ku soo ururtay   waqti kooban iyo  oo ay ku dhaxayso  “ Igu  soo celi, mashquul baan ahay , kor u hay iyo hadhaw ha inoo ahaato”.

Cumar waa uu dareemay isbedelka ku yimi guud ahaan muuqaalkii  ay ku dheehanayd naacawda iyo fooraha suubani , waxa isaga laftiisa ku yimi hiyi kac uu su’aalo badan isku weydiinayo waxa uu  khilaafay hadalkii ahaa “ Ceebtaada haddii ay 1000 qof ogyihiin hal qof ha oo kale ha u sheegin”

Waayo waxay noqonaysaa 1001 qof  oo waa tiro sii korodhay…

La Soco Qaybta .. 3aad.

 

 

Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya)

Omarserbia1@hotmail.com

Oodweynenews.com,Hargeysa office

COMMENTS