Riyadii Aan Qabay Ee Rajadeedu Idlaatay (QAYBTII 3aad)
Hargeysa(OWN)- Foosiya waa hooyada dhashay Ifraax waxay muddo ka hor is barteen Cumar iyada oo arrinkaasina ay u gogol xaadhay inteenada Ifraax ka dib markii ay dhawr jeer ay Ifraax soo siisay Numberka ay sidato hooyo Foosiya oo ay Ifraax markaasi doonaysay in uu dhambaal ka gaadhsiiyo.
Wax kastaba waxbaa badhitaara ama dabada ka riixa , haddii aynu hoge tusaale yar u soo qaadano marka uu qofku cunto cunaayo waxa jira shay ku qasbaaya in uu cuntada cuno waxaana lagu tiriyaa in ay tahay horseedka falkasta oo lasameeyo (Motivation).
Wiilkan oo inta badan ka gaabin jiray in uu xidhiidh la sameeyo Hooyo Foosiya isaga oo markaasi isku tirinaayey nin ay hayb xidid ka soo ururayso ayaa waxay dantu ku riixday in uu la hadlay Foosiya waliba isaga oo su’aalo la tacaluqa gabadheeda Ifraax weydiinaaya .
Goortu waa galab waana markii ugu horaysay ee uu galo hami ku suntan in uu horfadhiisto Foosiya oo iyada qudheedu ah qof ay wajiyadoodu isku cusubiyiin ayna hore hawadu uun ugu dhaxaysay, gaadhigii uu watay oo aan awood u lahayn in uu maro jidka guriga hooyo Foosiya oo meel aan cagta iyo taayirka u fiicnayn awgeed ku yaalla , waxa uu diray Teleefan uu doonayo in loogu hago guriga , waxa loo soo diray Cumar gabadha da’aahan ka yar Ifraax , waa sidee ma iyadii ayaa Hargeysa timi , waa su’aal muddo daqiiqado ah ku soo noq-noqonaysay maxkaxdiisa , waxaase u cadaatay in aanay ahayn Ifraax balse ay isir ahaan wadaageen waabase walaasheede.
“Walaal waa aniga inanta ay Foosiya kuu soo dirtay ee gurigu waa halkaase ina mari” ayey ku tidhi gabadhii yarayd Cumar .
Ka dib markii ay gurigii galeen , oo uuu salaan xisood iyo foorarsi ku jiro waa uu fadhiistay , ka dib waxa dhex maray is xog-waraysi kooban Cumar iyo hooyo Foosiya kaasi oo u muuqday mid laba dhinac u kala socda Foosiya oo doonaysa in ay Cumar isbartaan iyo Cumar oo isagu u haysta in uu xaafadda ka tirsanyahay ka dib markii ay dhawr jeer Ifraax ku tidhi “ Hooyaday way ogtahay in aanu xidhiidh guur inaga dhexeeyo”, Cumar waxa uu xiisaynayaa in uu Foosiya weydiiyo warar ku saabsan Ifraax iyo xaaladeeda balse su’aasha uu weydiiyeyba waxa hooyo Foosiya oo aan sidaasi u arkaynin in uu Cumar hamuumyo u qabo ayaa waxa jaabta ku soo koobaysay hal ama laba eray .
Wax xog ah oo cusub waxa uu Cumar ka soo helay booqashadiisan iyo la-kulanka hooyada dhashay Ifraax in Ifraax ay mashquul tahay hadda oo aanay xataa hooyadeed iyo xaafada toona aanay lahadalkeedu aanay u badnayn, taasi oo niyad jab hor leh ku abuurtay wiilka isaga oo markii hore ka rajanaayey in uu warar iyo xogo ku saabsan Ifraax uu ka helaayo guriga iyo hooyo Foosiya.
Waxa uu wali rajo ka qabaa in uu maalin uun kula kulmidoono Khadka internet Ifraax , balse waxa uu maalintii dambe arkay waqti uu furay cinwaankii ay hore uga haasaawi jireen in ay Ifraax iska xidhay oo aanu awood u lahayn in uu la hadlo xataa haddii ay isticmaalayso.
Waxaana sheekadu iskugu biyo shubatay erayadii ahaa “ Waxaan moodi jiray inantaan mulkiyey in jacaylku muday misne waxaan arkaa u malaynayaa midh in aanay qabin” oo uu hore ugu geeraaya Alle ha u naxariistee Cumar Dhuule Cali waqti uu cabiraayey qof uu si u arkaayey oo si kala uu ku ogaaday .
Markii aan sheekadani uu Saaxiibkay Cumar sidan iigu soo gudbiyey ayaa anna waxaan tiraab ahaan ku idhi tani waa Radii aan qabay ee riyadeedu idlaatay !!!
Dhammaad…..

Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya)
Oodweynenews.com,Hargeysa Office