|

Shalay Iyo Maanta: Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar

Waxaanu  aanu jecelnahay inaan idiin soo gudbino  Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar  waraysiyadii lala yeeshay kahor intaan Xisbigu Kulmiye talada dalka la wareegin.

Waxaanan ka dheregsanahay halka uu marayo aqoonsigii Somaliland iyo shacabka Somaliland oo aan hadal haynba aqoonsigii loogu hadal hayska badnaa wakhtigii xukuumadii Daahir Rayaale taasoo la odhan karo  god dheer bay ku dhacday , waxaana ay xukuumadan Siilaanyo  dadkii iyo siyaasiintii dalka ku mashquulisay  wadanka gudihiisa oo xaaladiisa aanay  haatan  wanagsanayn.

 

Hadaba  khibrad yaraanta  haysata    Maxamed C/laahi Cumar ayaa la odhan karaa aqoonsigii somaliland waabay sii fogaatay, waxaan la sheegayaa inuu haatan ku sugan yahay magaalada London isagoo safarkiisa ubedelay Casuumado u gaar ah.

 

Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa  waraysi lala yeeshay 2009-kii Dr Maxamed oo ku eedaynayey xukuumadii Rayaale gaabis,  Hadaba hoos ka akhriso Shalay iyo Maanta Maxamed C/laahi Cumar   :–

 

 

 

 

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE  Dr .Maxamed C/laahi Cumar ayaa sheegay in wadamada  beesha caalamka ee Somaliland  taageeraa ay sugayaan  doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda Somaliland, isaga oo xusay in arrimo badan oo siyaasad iyo horumar leh oo beesha caalmku Somaliland ka caawin lahayd ay u dabran yihiin doorashada. 
 
Ugu horeyn mar aan weydiiyay Dr. Maxamed Cabdillaahi wuxuu dhowr jeer ku cel celiyay in beesha caalamku hakisay deeqdii Somaliland, wuxuu taas ula jeedo madaama oo u dhwr jeer saxaafadda siiyay warbixino wuxu igu jawaabay.
 
“Sababaha Bulshada Caalamku Somaliland ugu adkaynayso qabashada doorashada waxaa ka mid ah dunida oo doonaysa maamul cusub waxaaana muuqato maamul xumida xukuumadda iyo sida ay ugu suuragali wayday inay la timaado hoggaamin la  jaan qaadi karta siyaasadda caalamka, tageerana u keeni karta Somaliland”.
 
Mar aan waydiiyay wuxuu taas ku cadaynaayo maadama Dawladda Somaliland mas’uuliyin u hadlay sheegen in anay waxba iska khuseyn doorashada iyo deeqda addunku siiyo Somaliland  wuxuu yidhi Xoghayuhu “adduunyadu maanta Somaliland waxbay la qaban kartaa haddii maamul ka duwan ka madaxweyne Daahir Rayaale yimaado, umana  aragto beesha caalamku xukuumadda maanta dalka ka jirta mid ka soo bixi karta hawlaha culus ee Somaliland  horyaalla. Duniduna waxay doonaysaa maamul awood u leh inuu caalamka tuso sababt ay u tahay maslaxada qarameed iyo kuwa caamka ahba ee lagama maarmaan ka dhigaaya  inay Somaliland  hesho aqoonsi siyaasadeed iyo faa´iidooyinka dunida ugu jira hadey yihiin, mandaqada,iyo duwalka awoodda lehba aqoonsiga Somaliland. Waxay kaloo beesha caalamu doonaysaa dawlad talo iyo waxqabad ka gaysan karta mushkiladaha ka taagan Geeska Afrika . Beesha caalamku uma argato xukuumadda Daahir Rayaale mid ka soo bixi karta xilkaasi, lehna awood iyo isku kalsooni ay ku meel mariyaan arrimahan, waxayna dhalliilahani qayb ka yihiin caqabadaha qaran ahaan ina hortaagan hadey deeq tahay iyo hadii horu mar kale tahayba”.
 
Ugu dembayntii waxaa  Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar aan weydiinay madama uu yahay Xoghaya arrimaha dibadda ee Xisbiga Kulmiye su’aal ahayd waxay uga jedeen Xisbiga Kulmiye soo dhaweeyntii dhawaan xisbigoodu soo dhaweeyay siyaasadda  cusub ee dawladda Maraykanku kula macamilayso Sudan oo ogol in mustaqbalka koonfurta Suudaan  noqon karto dal  madaxbanaan oo dunidu aqoonsan tahay. Wuxuu yidhi. “ waxaanu u aragnaa inay arrintani faa’iido u yeelan karto qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland, xisbi ahaanna  waxaanu arrintaa kulan kala yeelan doono dawladda  Maraykanka si aanu  ugala hadlo sidii maamulka cusub ee madaxayne Obama uu dib u eegi lahaa qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, iyaga oo tixgalinaya siyaasadda  cusub ee Maraykanku ku doonayo in Koonfurta Suudan noqoto dal madaxbannan oo caalmka ka tirsan.
 
Xoghayaha oo aan waydiiyay su´aal ahayd waxaa markastaba laydinku eedeeya in aydaan qirin waxay xukuumadu qabato lakiin wax kasta aad mucaarid ku noqotaan miyaanay taasi jirin wuxuu igu jawaabay. “runtii wixii wacan ee ay qabato waanu qiraynaa caqliga wacan ayaa ku jira in qofku haduu wax qabto loo qiro lakiin waxaanu amin sanahay in anay xukuumadda maanta jogta qaban waxbadan oo ay shacabka Somaliland u qaban kari lahayd, taasna ay ugu wacan tahay faro badnaanta xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale iyo tayo yarida haysata”.
 
 
COMMENTS