SHAYBAADH A/Fataah
90% Dadka Bukaanka ah ee Cusbitaalada Daawada u tagaa waxa ay maraan Baadhid caafimaad oo kala duwan.Waxaad Moodaa in wakhtigan baadhida ama shaybaadhku Qeyb rasmi ah ka noqotey daaweynta qofka.Dhakhtarku haddii aanu qofka baadhin ama u dirin Shaybaadhka waxaad Moodaa in aanu si fiican u garan karin daawada rasmiga ah ee qofku u baahan yahay.Dadka bukaanka ah Laftooda ayaa Rumeysan in horta la baadho kuna qanacsan oo aamisan,Ha is baanan ee is baadh Ayaana inta badan Dhab ah.Dhakhtarku isaga oo garanaya Cudurka qofka haya isla markaasina Daawadiisa siin kara Ayuu u dirayaa Qeybta Shaybaadhka.20kii sannadood ee ugu danbeeyey Dhakhtarku xanuunada uu dadka ka daaweeyo Miyaanu khibrad kaba heleynin ama barasho uu ku fahmo halka iyo barta eelku yaalo,Maxaa qofka Baadhida badan ee wakhti lumiska ah ama Kharashka badan loogu Dirayaa.
Dhakhtaro badan Qalabada dadka lagu baadho ayey Heystaan oo Dhalinyar gaar ahi uga Shaqeyso.Ma la odhan karaa Sawiro,Dhiigag iyo Qashin saar sida Pee ama Excreta aan loo baahneyn Ayaa dadka loo diraa si lacag halkaasi looga helo.Qof kasta oo Dhakhtarka u galaa wuxuu soo Noqonayaa horta isaga oo Sita warqad Baadhid caafimaad,Hadda waa dadka oo dhan,Mid Sawir loo direy,Mid dhiig loo direy, Midspit loo Direy oo Spitton sita,Mid sita Qashinsaar iwm.Lacagta Dhakhtarada ee Kaadhka gelida Ayaa ah meelo badan mid qaali ah,Dhinaca kale marka laguu diro Baadhid caafimaad oo 30$ ama 50$ ah,Natiijaduna ay soo saarto Negative ama waxba ma qabtid.Muxuu kaaga direy sheybaadhka ama laabka baadhida caafimaad.
Dhakhtaro badan Waxa ay ku naasnuujiyaan ama lacag u sameeyaan Raga Qalabka baadhida ama sawirka leh.Marka sawir X-ray ah laguu diro lagaana qaado 10$ haddana lagu Yidhaahdo waxba ma qabtid,X-rayga ayuun baa loo lacageynaayey oo wuu ogaa Dhakhtarku.Sida farmasiigaba loogu lacageynaayo dawo taal Ayaa qalabka shaybaadhkana loo socodsiinayaa.Markasta oo Dhakhtaradu ay bataan waxa ku dhex Jira kuwo aan khibrad laheyn,Kuwo aan si fiican u garaneynin waxa ay dadka ka daweynayaan,Waxaan u soo Joogey dhakhtar nin aanu saaxib nahay u qorey dawo isaga oo aan weydiin in ay Xanuun kale ku kicineyso ama Gastric ay ku keeni karto,Dawadii oo ku keentay in Gastric u dareemo badan.Dhakhtar degdegaya oo aan xitaa kuba wareysaneynin oo ka fekiraya Lambarada u qoran Ayaad u galeysaa degdeg warqad Shaybaadh kugu soo dhiibaya si lambarada 100 qof ah uu isaga kala diro.
Beri hore Qalabada sheybaadhka ee wadanka Yaala aad looguma kalsoneyn,Dadkuna aqoon badan caafimaadka uma laheyn,Hase ahaate wakhtigan waxa soo baxey Dhalinyar badan oo ka qalin Jebisey Waaxda shaybaadhka ama baratey sida wax loo baadho,Waxana wadanka yimi Qalabo caafimaad oo casri ah kuwaasi oo sameynaya baadhida caafimaad ee qofka loo direy si loo ogaado Cudurka iyo Xanuunka Jira.Su,aal Dhakhtarku Ma ku kalsoon yahay Baadhida shaybaadh ee Dhalinyartu sameyso mana ku go,aan qaataa Mise sidey isaga la tahay Ayuu dawada u bixiyaa oo Natiijada Baadhida caafimaad ka soo baxdey kuma kalsoona.Dhakhtaro badan oo aan laheyn tababar iyo Aqoon caafimaad haddii ay shaybaadh sameeyaan sidee loogu kalsoonaan karaa.Dad badan cudurada lagu sheego ama in aaney waxba heynin ma la odhan karaa waa Khalad ay ku kacaan dhakhtarka ama kuwa shaybaadhka sameynayaa.
Aqoon intee leeg Ayey dhakhaatiirta bulshadeenu u leeyihiin shaqadooda.Talada iyo Xanuunka ay qofka ku sheegaan sidee lagu rumeysan karaa.Shaybaadhku mararka qaar wuu khaldamaa,Wuxuuna sheega wax aan Jirin,Marar badan xanuun qofka ku jira Ayaa laga waaya Natiijadana ka soo bixi waaya.20% Natiijooyinka Dhakhtaradu ay bixiyaan waxa ku Jirta been ama khalad.Qofka Xanuun aan heynin haddii lagu sheego wuxuu qaadanayaa dawo khaldan oo Jidhkiisa dhaawici doonta.Shaybaadh Ayaa qaada 10$,Midna 30$ waa maxey farqiga u dhaxeeyaa.
Tirada Dhakhtarada,Kalkaalisooyinka iyo Shaybaadhku intaba wey soo badanayaan,Dadka sida gaarka ugu shaqeysta ayaana soo badanaya.Dugsiyada caafimaadka Ayaana wakhtigan ka mid ah kuwa badan ee kale.Qalabada wax lagu baadho ama sawiro ayaana dibadaha laga keensanayaa iyada oo laga yaabo in kuwo Second hand ah oo daalay wadanka la soo geliyo.Barashada caafimaadka ee Jaamacadaha Ayaana madaxa la soo kacaya.barashada kuliyada Dhakhtarnimada ee Jaamacada hargeisa ayaana ah mid dhab ahaantii leh Nidaam iyo hab waxbarasho oo Dhakhtarka taxadir iyo Feejignaan wax lagu baro.Waxaase Dhibaato ah in Dadkii dugsiyada ugu hooseeyey ama Maskaxda yar lahaa ay rabaan in ay Caafimaadka dhigtaan ama is qoraan.A+ Ayaa caafimaad codsan kara.
Dhakhtarkii Ayaaba halis ku ah caafimaadka bukaanka ama qofka mararka qaarkood,Maaha dhakhtar la dabo gelaayo,Maaha dhakhtar ruqsada laga qaadi karo,Maaha dhakhtar heerkiisa aqooneed iyo shahaadada intaba la og yahay.Mid aan meelna uga soo bixi ayaa dhakhtara maxaad u maleyn kii jaamacad uga qalinjebiyey.3 Minute oo weliba inta badan uu warqada ku fooraro Ayaad dhakhtarka u geleysaa.Sawirkii iyo Dhiigii uu kuu direy markaad ula gasho 2 Minute inta uu eego Ayuu ku odhanayaa waxba ma qabtid.Warqadii dhiiga ee aad ula gasheyba si fiican uma eegayo muxuu haddaa kaaga diraayey.kadibna degdeg ayuu Prescriptionka daawo uga buuxinayaa.
Dhakhtarada yaa wacyi geliya Yaa wax u sheega.Yey ka baqaan,Yaa amra,Yey ka danbeeyaan wadankeena.Dad badani kuma bugsadaan dawooyin ee Ducada iyo qadarka ilaahey oo ay rumeysan yihiin ayaa ka dul qaada xanuunka marka ay ilaahey baryaan,Dawaduna waxba uma tarto.Dawo Khaldan Dhimasho,Xanuun cusub iyo Naafo ama curyaanimo ayey keentaa.
Isku soo wada duub Bulsho sideena oo kale ahi waxaabey ku faraxsan tahay Daryeelka caafimaad ee wakhtigan wadanka laga hirgeliyey,Wixii khaldana Dawladii iyo dadki sixi lahaaba wadankan ma Joogaan.Diagnosis,Clinic,X-ray,Laboratory,Scan,CT scan.Wuxuu sitaa Qalabo uu wax ku baadho waa Xayeysiiska ugu weyn,haddana waxba kuma hayaan Ayaa ku xigta.
Ceelaabe
—————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
