SHAYGA UGU QAALISAN UGUNA CIMRIGA YAR UGUNA CAAFIMAAD XUN UGUNA DHAQAALE DHAAWACID XUN DADKAYGII IYO DALKAYGII BAABIIYEY MIYAAD GARAN WEYDEEN OO ISKA QABAN WEYDEEN
Walaalayaal waxaan filayaa shaygaa ba’an in aad wada garateen balse in badani ay diiday markiiba in geedkaa dhibka iyo dhaawac dhinac walba leh aan soo hadal qaado hadaba qofku waa in uu mar uun boogtiisa taabo oo uu yidhaa waar dhimataye xagee iska daba qabataysaa xageese wax ka bilowdaa ilayn nolosha ku dhamaysan maysid silic, saxariir, gaajo, cudur, caruurtaada oo habeen walba gaajo ku seexata waa hadaad xaas leedahaye hadii kale guur la’aan iyo dudo seexasho aad mirood ku noqoto inta noloshaada ka hadhay macnaha “Doob qalan jadii gabay” hadaba dhibaatada geedka aan ka hadlayaa waa kee ” waa Qaadka” Jaadka hadba sidaad u taqaan waakii abwaan bacadle (AHN} lahaa markii uu dhiilada qaadka ka gabyey.

Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa lehBoqolaal qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa lehQoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa lehQalbi qooqan qoora aan waxtarin qaadow adigaa lehQardareeye kaadida qul quli qaadow adigaa lehJirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa lehQalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa lehMacdan qubta hawshoon laqaban qaadow adigaa lehHurda qarow ah soojeed qam qama qaadow adigaa leh
Hadaba dadkayga oo ogsoon dilaaga aan qarsoonayn ee qaadka dhibaatooyinkiisa ayaa waxay garan la’yihiin sidii ay isga dayn lahaayeen ama looga yarayn lahaa lactiisa aanu qofku awoodi karin in uu iibsado balse aanay ogayn in ay iyagu gacantooda ku maamuli karaan hadaba sidee ugu maamuli karaan.
1) Qaadku cimri malaha waa shay aad u cimri gaaban tusaale laba gaadhi oo saacad kala danbeeya isku meelna ka wada yimid ayaa kolba kii danbeeya la yidhaa kana cusub hadana hadii duhurka ay dhaafto qaad oo dhan lacagtiisii way dhacdaa waayo caawada waa la qubayaa ma gaadhi karo laba cisho.
2) Hadii maanta la iibsan waayo oo dadku ku mudaaharaadaan waxaa lala baryayaa dadka in qiimahii ay doonaan ku iibsan karaan waayo ninka qaadka sitaa billions dollars ayuu khasaaraya hadii laba cisho oo uu keenay laga iibsan waayo waxaa halkaa ka cad in shacabku iyagu qaadka siday doonaan ka yeeli karaan
3) Mar hadii aanu qaadku lahayn xeer dhigaya in uu shacbka u tudho maalin walbana intuu doono ku iibinayo maxaa shacabka nasakhay ee ay lacagtooda ugu dhisan waayeen dalkooda oo ay dal kale u dhisayaan
4) Dadka laasimay qaadka maaha dad yar marka loo eego inta naftooda iyo ta qaraabadooda iyo caruurtooda u tudhata qaadkana iska fogeeyey arkayna macno darada ay lacagta adag ku bixinayaan waa in qof walba is xisaabiyo intee kaaga baxda sanad walba adigoo eegaya lacagtaasi waxay kuu qaban lahayd hadii aad ku tabcato.
5) Maanta dhulkeena daar nin debeda joogaa dhistay mooyaane way yartahay inta dhulka joogtaa waxay tabcadeen waayo qaadku waxaa uu dhaawacay dakhligii wadanka oo lacagtii adkayd ee dollarka ahayd way ka baxdaa waxaad maqashaa miciishadii baa cirkaa martay, baansiinkii baa la waayey, canshuurtii baa la kordhiyey, dhulkii baa laysku dilay, dhuxul baa naf laga deyey oo dhirtii baa la jaray, waxaas oo dhan hooyadood waa Qaadka. Hadii Dollarku oo laan lahaa wadanka miyaa la caydhoobi lahaa hada afar daasadood oo madhan baa la hoos taagan yahay habeen walba iyo maalin walbana gawaadhi Dollar sitaa xadka ka talowda hadhowna dawladii oo meel ay mushahar ka keento la oo dekedii berbera dadka ku kordhisay canshuurtii markabkii bariiska si ay mushaharkii ciidanka iyo shaqaalaha u soo saarto ayaa lagu kacayaa.
Hadaba horaa loo yidhi doqoni qufacday meel laga raacayna ma oga, hada reer S/land iyo soomaliyaba meel laga raacay way ogyihiine sidan si haysugu dhaamaan oo qof walba jeebkiisa haku xisaab tamo qof walba hal wiig ha joojiyo cunida qaadka wiiga kalena laba cisho haka cuno dabeedna jeebkiisa waxaa uu ka arki caruurtiisa oo loo maydhay caano ka dheregtay oo casaatay iyo islaantiisii oo diricii ugu danbeeyey ku xaragoonaysa, bishii markaad xisaabtanto oo afarta wiig halkii wiigba maalin ka qayisho bishii waa 4 cisho oo qudha intaa ka dibna wadba jari kartaa gebi ahaantiis, mar kale waa kii gabyaagu lahaa
Iska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa lehQayil oo cun reerkiina qadi qaadow adigaa lehQashin iyo qashaabiir qurmuun qaadow adigaa lehQatar caafimaad oo qarsoon qaadow adigaa lehQalbi olol mar qabo oo qaniin qaadow adigaa lehQaraabo iyo ehel aan latabin qaadow adigaa lehQayrkaa shaxaad hana qajilin qaadow adigaa lehIska qari cidbaa kugu qabsane qaadow adigaa lehQabri ka hor qandho aan laga biskoon qaadow adigaa leh
Walaalayaal igama aha daac-daacsi ee waa iga nasteexo dhamaanteen ah hada waxaa loogu jiraa dedaal sidii ingriiska looga joojin lahaa oo gebo gebo taagan ka dib markii la arkay dhibaatadiisa dadkii cuni jiray oo soomali u badan oo badhkood waasheen, badhna isu gudbiyeen Qaaxo, badhna shaqo tegi waayeen lacag caydha oo la siiyo mooyaane illaa mudadii ay wadanka soo galeen oo xataa afkii aanay baran, wax faa’iido ah oo ay la yimaadeena jirin oo xirfado lagu shaqaysto ah mid ay barteen daa hadalkeede mar hadii wadanadii waaweynaa arkeen dhibaatada uu leeyahay laga baaraan degay maxaad u malaynaysaa dhulkeenii oo wax xisaabtamaa jirin, waxaynu nahay dad wadnahu dig leeyahay oo herna naftu inooga bixi weyday waakan mar kale abwaanku
Qosol iyo qamuunyo isku xiga qaadow adigaa lehQasad dhaar ah qawl aan la fulin qaadow adigaa lehQur’aan lagu kaftamo qadaf iyo been qaadow adigaa lehCimri kuu qorraa qayb ka lumi qaadow adigaa lehQandiga fuqurka iyo quus rageed qaadow adigaa lehQureesh gabara waxa loo qawada qaadow adigaa lehDad qamaama qayliyo dagaal qaadow adigaa lehShaluu qaatay maantana qafaal qaadow adigaa lehQabyaalad iyo iimaan la’aan qaadow adigaa lehDhaliyara afkooduun u qoran qaadow adigaa leh
Hadii maanto dhan laga hadlo lama koobi karo dhibaatada uu leeyahay iyo sida basiidka uu u yahay ee looga guulaysan karo iyo sida nacasnimada leh ee uu kuu xaalufinayo waa kaaf iyo kal dheeri, muwaadin mar kale aad bay u hawl yar tahay sida aad uga guulaysan kartaa hala yareeyo una fiirso waa hadii aanad raali ku ahayn joojintiisa uuna kaa adag yahay samee sidan soo socota
1- Caado ka dhigo in aad cunto maalin halkii wiig maalintaad doontoba ka dhigo
2- Jeebkaaga ku xissbtan imisa lacagaa kaa baxda oo aad qaad gelisaa
3- marka qaadku yimaado isla markiiba jooji in aad tagto meesha qaadka si qiimahiisu u dhinmo
4- Is ilowsii qaadkii in uu yimid reerkaaga iyo qaraabada ku fikir in ay maanta qadeeyeen iyo in kale
5- caado ka dhigo in aad qaadato marka laysla baryayo qaadka ee gelinka danbe in aad qiimo jaban ku iibsato hadii kale uu khasaaro qaadwalahu balse aanad adigu u khasarin jeebkaagana loogu xisaabtamin ee adigu ka guulaysta aad mar walba ahaato
6- Hoonka iyo sawaxanka gawaadhida sida hays xasuusin ee ku mashquuli nafta in aad shaqaysato oo nolosha la tacaasho balse nindaroogo kuu sida haw hanqal taagin
7- Waxaad nafta u sheegtaa in ninka qaadka kuu sidaa naftaada in uu gooyo doonayo hedaadana gacantiisa ku goynaayo
Bal markaad muwaadin samayso intaa aan beri kale hawada ku kulano idinkoo faraxsan kana adkaaday kii noloshiina iyo jeebkiina muduciga ku ahaa kuuna diidanaa nolosha qofku si wanaagsan ugu noolaado dhiig iyo dheecaana kaa idleeyey muwaadin wax aan kuu qalmin oo cadquudheed ah ku goyn naftaada adigoo inta noloshaada ka hadhay aad mid ta aad ku jirto kana raaxo badan gelin karto naftaada iyo qoyskaagaba.
Eng abdirazak yassin maxamed
