Shirkado Qaad Keena Oo Maalintii 2aad Cashuurtii Ay Ku Bixin Jireen Kala-baydh U Wareejiyey Balligubadle
Hargeysa (OWN)- Qaar Ka tirsan Shirkaddaha jaadka keena ayaa waxay la sheegay in ay maalintii 2aad jaadkoodii ku cahuurayaan kastamka Balli-gubadle halkii ay markii hore cashuurta laga qaadi jiray kastamka Kala-baydh.
shirkaddahan ayaa waxay ka cadhoodeen sida la sheegay cashuur la kordhiyey taasi oo lagu ansixiyey miisaaniyadda sannadka 2013-ka taasi oo ah in $1kii dollar ay dawladda ku sarifato 4500 oo Somliland shillin ah halka ay markii hore ahaan jirtay 4000 oo Somaliland ah taasi oo ay ku korodhay lacag ah 500 oo Somaliland shillin ah .
magaalada Balli-gubadle ee gobolka Hawd ayaa la sheegay in ay gaadheen saraakiil ka tirsan wasaaradda maaliyadda kuwaasi oo hubinaaya in cashuurta kastamka Balli-gubadle lagaga qaadayo baabuurta jaadka in ay ka badan tahay tii markii hore lagaga qaadi jiray kastamka Kala-baydh.
waxaana xusid mudan in aanay ahayn markii ugu horaysay ee cashuur la kordhiyey ay cabashooyin ka soo celiyeen shirkadda qaadku walaw aanay cashuurtani si gaar ah u taabanahaynin shirkaddahan oo kaliya.
OOdweynenews.co,Hargeysa Office.
