MAXAAD KA TAQAAN SILSALADII XAYDHA & GUULEED XAWAASH ?
Silsilada Xaydha & Guuleed Xawaash waxay noqotay sheekada beryahan danbe ugu xiisaha badan laga bilaabo kaftankii Guddoomiye Cabdirahman Ciro . Hadaba, waxaan jeclaystay inaan idinla wadaago inta aan ka hayo, oo aan soo koobaayo.
Silsilada Xaydhu waxay ahayd kaftan suugaaneed oo bilaabantay sanadkii 1941 ( Dagalkii labaad ee Addunka WW2). Waxa cidhiidhi galay nolosha iyo quutal-daruuriga .Gaadiidku wuu yaraa, oo waxa lagu safri jiray awrta. Ayadoo duruufahaa adag lagu jiro, waxa safar u baxay odayayaal isugu jira xigaal iyo xidid.Waxay ka baxeen Burco ayagoo u jeeda dhinanaca Xal-Xalis iyo Gaashaamo.Waxay sahay iyo cunto u dirteen Xirsi Caamir.Waqtiga oo adkaa awgeed, Xirsi Caamir kumuu guulaysan inuu soo helo Subag Sixin ah, laakinse wuxuu soo helay “ Heen ama Dhuux ” Waxa laysku goostay dhuuxi iyo timirtii. Markii la dherga , ayuu “ Weerar Cali” tiriyay tix kaftan ah oo uu ku duraayo Xirsi Caamir, asagoo kuu eedaynaya inuu Xaydh soo hordhigay nimankii hablaha ka qaba. Waxa kale uu Weerar doonaayay inuu bilaabo hasaaw iyo kaftan ay dariiqa ku maraan oo waqtiga isku dhaafiyaan.
Wuxuu yidh :Weerar Cali
Xirsi Caamirow layna hiif laguna haaraanye,
Alayle habaar baad qabtaa waana la hubaaye,
Rag hadduu horseed kaa dhigtoo hibo lagu yeelay,
Waa loo hagaajaa anfaco hagrasho waa ceebe,
Nimankaan hablaha kala guursanay hurinta Reer Muuse,
Inaad la hormartaa may ekayn waxaan haboonayne,
Hor ilaahay soor wacan adaan noogu hawl galine,
Halkii aan hanaan gobanimo iyo hadiyad eegaynay,
Haf miyaad la tidhi Xaydh sidaad haan ku dhayanayso”
Xirsi Caami , wuu u jawaabay Weerar Cali, asagoo ku leh , kol hadii aad calfatay hadal kuuma banaana.Waxaanuu Xirsi Caamir ku jawaab :
“ Hadalkaad i tidhi Weerarow waa huf iyo beene,
Hayin iyo markaad subag hesheen hawdka soo mariyay,
Hareeraha ka leefkii markay gacantu haarowday,
Waatay fartii hilib dalqaha kaa haraatidaye,
Nin wixii hungrigiisa maray hiifay waa qalade,
hareerbuu isaga weeciyaa waxaan haboonayne ,
Hadii uu hogseeg yahay maxaad uga hakoon weyday.
Waxa silsiladii soo gelay odayaal ay ka mida ahaayeen- Huube, Derie Aw Guuleed; Aar Xandule ; Jamac Xirsi ; Guuleed Xawaash iyo qaar kale oo badan. Guuleed Xawaash , oo aan ku jirin safarka, ogayna sahayda Xirsi Camir soo qaaday nooca ay tahay, ayaa soo dhex galay sheekada,kuna canbaareeyay Xirsi Caamir inuu xididkii u keenay Xaydh.
Guuleed Xawaash wuxu yidhi :
Waxa Huube lagu gawrayaa waa garaad xumo’
Anigaa gartiini naqoo gees ka marihayne,
Kol haduu garaad leeyahoo gugu u waynaaday,
Ninkii Xaydha soo gaday ayaan eed isugu geeyay.
Waxa u jawaabay Aar Xandule, oo ku eedeeyay Guuleed Xawaash inuu sheekada kusoo dhex-dhacay, xog-ogaalna aanu ahayn, goobtana aanu joogin ,gar aanu u hubsana naqay.
Wuxuu yidhi Aar Xandule:
Xaada gabay beryahan Deeriyow Xaladeed dhigay’e
Xirsi iyo ninkaa Weerar Cali lays xasaradeeye,
Subagay xanaanka u siteen laysku xaaleeye,
Xaydh iyo inuu sixin ahaa looma xaal bixine,
Aakhiro xisaaba jirta xaq iyo miisaane,
Kol hadaanu xog-ogaal ahayn maragna xuuraamin,
Guuleed Xawaashana maxaa geliyay xiiqdeeda
Geba-gebo.
Silsilada Xaydhu waxay dhexmartay odayaal safar dheer ku wada jiray oo doonaayay inay jidka kaftan isku dhaafiyaan.Waxay ahayd waqti adag oo lagu jiray Dagaalkii labaad WW2.Waxa sheekadii soo dhex galay Guuleed Xawaash oo aan xog-ogaal ahayn.Waxa taas la mid ah sheekada dhex martay Guddoomiye Cabdirahman Ciro iyo Guddoomiye Faisal. Waxa halkii halkii Guleed Xawaash galay Mudane Jamaal Cali Xusein. Xaajo nimaan ogayni, indhahuu ka ridaa.

Cali Ibrahim Jama “ Baqdaadi “
Toronto.