|

Somaliland waxaan ka tacsi yadey nayaa in aan Hassan Isse na soo bixin Jamaal iyo Faizal na soo baxeen, By: Yaxye Zakariye

Warbaahinta iga gudooma salaan buuran:
Somaliland waxaan ka tacsi yadey nayaa Hassan Isse Jamac in aannu soo bixin, Marka kalena waxaan tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada Jamaal Ali Hussien oo ku xidhmey Faizal Ali Waraabe oo horeba Siyaasada guul uuga soo hoyn waayey oo aanay xisbi wadaagi kareyn.
Hassan Isse Jama wuxuu ahaa ardeydii School ka Shiekh ka baxdey 1968 wuxuuna ka mid noqdey toban kii ardey ee sheikh iyo Camuud uugu sareeyey ee nasiib u yeeshey in ay London ku tagaan full scholarship. Halkaa oo u qaynuunka ku akhriyey ama ku bartey. Markuu jaamacadii dhameystey lawyer nimada na uu qorey imtixaan la qaado ka uugu adag oo loo yaqaan Bar Exam oo uu markii u horeeyey kaga gudbey. Waa Somaliga qudha ee ingiriiska imtixaan kaa qorey ee ku guuleystey. Hassan Isse meel uu joogana ka labaad muu noqon ka kowaad mooyaane. Hadaba in maanta la yidhaa wuu dhacay isagoo weliba strategy fiican oo uu Somlailand midey naayo la yimi waa wax umada Somaliland laga tacsiyadee. Manuu dhicin ee Madaxtooyada oo aad loga yaqaan siiba Silaanyo ayaa diidey in Hassan xisbi Mucaarad ah ku noqdo. Waa nasiib daro ee Hassan na ha ka samro majoogo waqtigiisii ye,  umada reer Somaliland na aad baan uuga tacsi yadey nayaa.
Waxaan kaloo tacsi u dirayaa dad intii Jamaal tiqiin iyo eheladiisii waxaan ka tacsi yadeynayaa, Jamaal oo mustaqbal cad heystey oo ahaa City Bank manager oo xisbi gaara furan kari lahaa, oo lagu yiqiin nin dadaal badan in uu xisbi la wadaago Faizal Ali Waraabe oo ah nin waagii beryaba ceynad goonya ah, horena siyaasada laba jeer ku soo dhacay, nin doorkii na xisbiga uuga baxeen, wixii afkiisa ku soo dhacana iska yidhaa oo ay ka mid ahayd in uu Jamaal ku yidhi, qoladayadii ciidagale waannu iska cidhiidhsan jiree muxuu ciise muuse UCID ku soo kordhiyey. Faizal waa nin ay ka suurtowdu in uu Jamaal si kastaba ha ahaatee kharajiyo oon Axdi aqoon. Waa nin kii iyadoo dad tiro badani isku raaceen door kan in beesha Arab Mayor ka Hargiesa la siiyo diidey keligii ee ku kalifey wakiiladii u soo baxay in ay Kulmiye u codeeyaan si Mayor ka uu ugala baxsado beeshaa ay is dhaleen isuguna ood dhow yiin. Faizal maaha nin ay Jamaal heshiin karaan oo sida dibjirka ayuu u dhaqmaa oo waa aragtaan in uu hangool fara lab ka dhigtey si uu uugu dhufto qofkey is qabtaan. Jamaal na durba waa kaa kharibay ee ku yidhi xisbiyada kale shiid. Jamaal wuxuu bilaabay in uu sida Faizal calaacal iyo cabanan bilaabo iyadoon weli doorasho madaxweyne la gaadhin waxaana waxa uugu wacan Faizal oon hab kaleba aqoon. Jamaalow khadka aad heysaa waa kii Faizal ku jabay, intaad tidhina sanado badan ayuu Faizal gidaar walba ka lahaa ee ha daalin. Dhaqaale kaa dhamaa oo waatan dibada wax lagaaga guraayo. Jamaal goob xun buu is dhigey. 
In Hassan na la reebo, Jamaal iyo Faizal na la soo daayaa waxay ka mid tahay dulmiga uugu weyn ee Silaanyo iyo Marwadiisu ay dalka ka galeen. Waa la ogyey in aan vote loo eegin ee Marwada madaxweynu hu ku talisey hadii Kulmiye doorashada Madaxweynaha dhaca in xisbi beesha Amina Weris ka soo jeedaa soo baxo, waa tala dumar ee waxaanay ogeyn in bulshada badan keedu isku raacsantey in Somaliland loo hiiliyo oo xisbiga Wadani kursiga la saaro si  qaladaadkan dalka laga galay loo saxo. Somaliland isma oga ee waxay dib uugu noqotey tabtii Afweyne wax u xukumi jirey oo beel qudha ayaa meel walba qabsatey. intii uu siilaanyo xukunka hayey 14 qof oo xilal sar sare ah ayaa magaalada Berbera oo keliya loo magacaabay … Political appointee miidhan ah. Burco iyada hadal keedaba daa, Hargiesa ka daran. Kulmiye waxaad moodaa in uu inqilaab wadanka ku qabsadey ee waxa inagaga hadhey waa mudu yar dabeed oo i qariyaay baa ka dhici doonto. Car yaan sidii derjeda looga didey markii afweyne dhacay, aan heybta looga yaacin marka silaanyo dhaco.

—————————————————-

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS