Ubax Aayo Beelay. Qormadii 3aad. Qalinkii, Maxamed Sadiq Dhamme.
W/Q: Maxamed Sadiq Dhamme
Qormadii 3aad
Ubaxaa qabriga galay
Hooyada ilmada qubtay
Waa qoomamiyo ciil
Waa qasaare ummaded
Waa qabar aduunoo
Qalbigeena jiifaa
Sheekadan ka qeexo
Qasaara tahriibkaa!!!
Dalka fulay iyo faqiir ayaa ku hadhay miyaanad garanayn ninki ina haabiil bil isgoon wada maqnayn ayu yurub jaanta dhiga,y maxaa ina haysta miyaynu socono tahriibno sida raga iga walle inaan bil inagu qaadateen inaynu yurub kazoo hadalaa ,
guubabo iyo abaabul badan waxa isla garteen Cwil iyo saaxibadi in ay tahriibaan cagtana saran dhabaha Ethiopia ilaa Libya baddana degdeg looga gudbo kadib yurub lagu raaxaysto,
halkan aad arkayso
haraad iyo abaarbay
hantideed tahyee
ragii hore u baxayee
yurub haybasaday
hantibay dhaqdeeno
hada waa tijaar saree!
war la’aanba colhoday markay odorosayaan bixitaanka xuduuda dalalka ay siimarayaan isu dhawaa dhibyara , waa isha bidhiqdeeda talaaba lagu gaadhaya magaalo kasta baduna waa halka ugu sahlan meelaha ay cabiranayaan waayo waxabay iftiinkisa arkaana xeebta malta ee dalka Italy waa irida yurub sharci darda lagag gale,
wuxuu usoo hoyaday haarun gurigii habeenki la goostay taladi tahriibka ee u danbaysay, hooyadi waxba umuu sheegin hadi uu u sheego way ku cataabaysa calaacal iyo murugana way la dhimanaysaa , haddi ay ogaato Hooyo xaawi wiikeeda taladiisa marna kama yeelayso madaama jidka tahriibku yahay geeri iyo nolol waliba geeridu badantahay,
hooyo xaawi maalin ka hor waxay qaadatay hagbad ay mudu ururinaysay taas oo ay ugu talo gashay in ay ku dabarto afarta bilood ee hore jamacada madaama imtixanki qalin jabinta haarun bili ka hadhay si aanu qayrkii uga hadhin aqoontuna uga kala go’in, hooyo xaawil hagbad ayay u gashay mustaqbalka wiilkeeda madiga ah ee dunida ay ka eegto awadii ,
lacagti waxay kuy riday joog macdana oo madaxeeda ay dhigi jirtay habeenkii wax qaadisi iyo tuuugo hide umu lahayn C awil caruurnimadisina shilinka daaqada Hooyadi saarta halkaasay ugu iman jirtay,
wuxu toosay habeenka hoogiisa u bixi doono Cawil shanti subaxnimo waxanu u diyaargaroobay qorshihiisi iyo taladiisi bixitanka , hooyo xaawi suuligay gashay si ay salaada ugu diyaar garawdo waayo waxay ahayd muuminad aan salad salad ku darin,
wxuu qaatay joogi wxuu kala daba wareegay gurigooda wuxuuna ka jabiyay quflkii ku xidhna iskamu qaadane wuxuu ka warqabay in ay ku jirto lacag uu ku gaadhi karo dalka suudan ,
lacagtii wuu la baxxay waxxaanu beegsaday goobti balanta saxiibadi ahayd oo ahayd istaanka gaadiidka wajaale ka baxaan wagi si fiicanbu u berayay , wuxuu ka quraacaday meherad suuqa ah waxa u yimi wiilashi ay saaxiibka ahayeen, is waraysi iyo sheeko dheer waxay xaqiijiyeen nin waliba inu diyaar yahay ,
Ambabixii cawil
waxay fuuleen gaadhi marka too ah waxay ku dhaceen shidhka gaadhiga, waa dhalin u muraaqootay oomeel kale loga yeedhaye jabane ayay dalbadeen iyo sharaab ninki gaadhiga wadayna waay maraxabaysiiyeen ,cajiib waxa cirka la gaystay cajalad ay ka dananyso hees xasuus mudnayd waa fanaanka codka tolmooon lafoole, hadii aad dhaqaaqdo inaad dhoofto jeceshahay gaadhiga dhaqsanayee ku sida ma dheeliyo ilahay dhankaaga kuma tuso dhibaato, madaxa ay tuxayaan murqaan iyo farxad awaawaded , inkastoo Cawil aad uga fekeraayo hooyadi oo uu aad u jecla dhibtay mudan doonto , waxa uu ka fekerayaa ceebta uu dhaxlay ee tuugada ah , hadana yeeladeede uma joojinayo waayo wuxuu arkayaa iftiiinka iyo hirka yurub wuxuuna ku taamaya inuu maruun debeda hallo kasoo yidhaahdo asxaab badan ee ay isku dugsiga iyo xaafda ahaayeen iyo Hooyadi Xaawa ,
waxa saladii ka baxda Hooyo Xaawi waxanay u diyaar garaw suuqi si ay u shaqo tagto una soo saarto nolol maalmedki iyada iyo wiilkeeda , intabadan markay hooyadii toosoto way kicin jirtay si uu guriga uga soo xidho quraacda ay diyaarisayna u cuno dugsigana u aado, mise waa sariir banana waxay eegatay guriga hortiisa iyo suuligi mise ma joogo may tabin waxay u malaysay inuu u baxay kubad lagu qaatay oo balawadiisa ahayd subax subaxna uu ku kalihii jiray,
bisinka balaay ku dhacaday maxaa xiligan kalihiyay waaba dhaxane toloaw koodh ma xidhay, hooyo waa beer wacana oo wanaagsana sida ay uga fekerayso wiilkeeda kalagacaylka ay u haysaana xeeldhera oo qiima badanan,
hooyo xawi waxay soo gashay qolkeedi si ay u qaadato shandadi ay ku shaqo tagaysay mise joogi maba yaala barkinta dusheeda ,yaaba malaha tuugab idin miray xalay iyo sawtii taalay markaad toosatay , baroor ayay dhabnada qabsatay iyo calaala ,alla hoogay maxaan ku dabari mustaqbalka Cawil , maxaan sameeya alla ayaan dariyaana halkasu ku seegay mustaqbalkiisi agoonka aan ehel iyo aqaariib lahayni maxaan toloaw sameeya , bal aan sugo intuu soo noqonayo,
waxay gaadhay baraqdii waxanay dhaaftay xiligii uu soo laaban jiray Cawil walaaci iyo warwaekii ayaa kusii kordhay hooyo xaawa , may filayn inuu inankeedi Cawil ficilkan sameeyay waxayse xaqiiqsatay markii ay gaadhay casarkii ee loo sheegay inankeedi iyo laba inan oo jaarka ahaa inay wajaale kasii baxayeen,
waxa u dumay gabal baas waxay gashay murugo daran waxay ka fekeraysaa nolosha iyo wuxuu mudan doono waxay is waydinaysaa lacagtii ay ku dabari lahayd hadii la xidho halka ay ka keeni iyo ciday u qaylinlahayd,
waaali sahalan ayay gashay way isla sheekaysanaysa Hooyo Xaawi waxay dhawraysa inuu la so hadlo wiilkeedi ay dunida ka eeganaysay foolasheedi horaad curadkeedi madiga ahaa,
waxay galeen wajaale Cawil iyo asxabtisii degdeg waxay u fuuleen bas u baxaaya jigjiga si ay u tagaan addis ababa markii baski la dhaqaaqay wuxuu istagay kaantaroolki wajaale , la socoo???????
Maxamed Sadiq Dhamme.
Telephone : 002522-448-7021