|

“ Warkaa Ka Soo Baxay Dawladda Ingiriisku War-farxadeed Muuhayn , Waxaanu Ka Soo Horjeedaa Sumcaddii Somaliland Lahayd, Waxaana Xukuumadda Ku Waajib Ah….” Guddoomiye Cirro

Hargeysa (OWN)- Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga WADDANI  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ku tilmaamay baaqii ka soo yeedhay dawladda Ingiriiska mid meel ka dhac ku ah  nabadda iyo amniga ka jira Somaliland.

“ 20 kii sanno ee u dambeeyey Somaliland waxay lahady hal sumad oo ah  nabad iyo xasilooni , markaa warkaasi waxaan odhan karaa waxa uu ka soo  horkeedaa  sumadii ay Somaliland lahayd ,  manuu ahayn war-farxadeed” ayuu yidhi  guddoomiye cirro.

 Guddoomiyaha oo maanta qaar ka tirsan warbaahinta dalka kula hadlaayey  xafiiskiisa ayaa sheegay in dawladda Ingiriisku u muuqato mid cabsi ka qabta wax soo socda  madaama aanay jirin buu yidhi wax amni darro ah oo haatan ka jira  Somaliland waxaana ka mid aha hadalka guddoomiyaha “ Waxaad moodaa in dawladda Ingiriisku ka  cabsi qabto wax soo socda taasi oo aanay cid ogaan Karin Ilaahay mooyaane , wax soo socdana in la ogaadaa way adagtahay , waayo dee waxay ka dhacday  maraykan oo la qarxiyey , Ingiriiska oo la sheegay in uu yahay dalka ugu Kamaradaha badan leh  in uu yahay , madaama aanay jirin wax amni darro ah oo aynu dalka gudihiisa ku  ognahay “.

 

 Waxa kale oo uu sheegay in ay xukuumadda  ku waajibtahay   ka warbixinta xaaladda amniga  si loogu kalsoonaado  amniga Somaliland waxaaanu yidhi “ Waajibku waxa uu saaranyahay xukuumadda in ay xog rasmi ah ka siiso xaalada   amniga mujtamaca caalamka, si loo soo celiyo kalsoonida   caalamka ayna u dhicin  sidan oo kale oo ah in ay dawlad saaxiib ahi ay tidhaahdo waxaanu  shaki ka qabnaa amnigiina”.

 

 Guddoomiyuhu  waxa kale oo uu  xusay in ay  in loobaa hay in dalka Igiriiskuna si cad u soo bandhigo shakiga dhanka amniga ah ee uu sheegay in ay ka jirto Somaliland.

Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya)

Omarserbia1@hotmail.com

Cumarserbiya1@gmail.com

Oodweynenews.com,Hargeysa Office

COMMENTS