Wasaaradda Deegaanka Oo Xaqiijisay In Kooxo Carab Ahi Ay Shimbiraha Ka Ugaadhsato Meelo Ka Tirsan Gobolada Bari
Hargeysa (OWN)- Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Dr Maxamuud Siciid Gacamey ayaa sheegay in ay jiraan kooxo carab ah kuwaasi oo meelo ka tirsa goboladda bariga Somaliland ka wada ugaadhsi ay ku hayaan shimbiraha.
Wasiirka oo maanta xafiiskiisa ay warbaahint wax kaga weydiisay arrinkan oo todobaaddanba dadku isla dhex marayeen ayaa waxa ugu horayn hadalkiisa ka mid ahaa :“ Horta sida loo sheegayo maaha aadna u ma badna laakiin way jiraan niman carbeed oo meelahaasi Todheer waxaana noo soo sheegay isu duwayaasha wasaaradda deegaanka , waxayna wataan shimbiro kuwaasi oo ay doonayaan in ay ku qabsadaan shimbiraha laakiin ugaadhsi weyn oo shimbirihii la laynaayo maaha “.
Wasiirka ayaa sheegay in aanu wasaaraddiisu ka masuul ahayn soo galista kooxdan , isaga oo sheegay in aanay ka warqabin markii ay imanayeen waxaana hadalkiisa ka mid ahaa :” Anigu Visa-ha ma bixinin ee hay’adda dalxiiska iyo laanta socdaalka ayaa bixiya , aniguna hore waxaan uga soo saaray wareegto aanu ku joojinayno ugaadhsiga shimbiraha, hase ahaatee tani maaha wax weyn oo waa hore ayaanu askar u diri lahayn oo aanu soo xidh xidhi lahayn “
Waxa uu sheegay oo kale wasiir Gacamey in ay deegaanka oo ay wasaaraddiisu qaabilsantahay uu dhibaato weyni soo foodsaartay gaar ahaan dhanka dhuxul ka samaynta waxaana hadalkiisa ka mid ahaa:“Ugaadha waxa dhinac socda xaalufinta deegaanka oo waddankii waxa loo shaqa yimi dhirtii oo waa la oodanayaa o o dhawaan waxa uu madaxweynuhu ka soo saaaray wareegto uu ku mamnuucayo , taasi oo loo xilsaaray wasiiro aan ka mid ah taasi waanu bilaabaynaa oo amarkaa madaxweynaha ayaa lagu bilaabayaa “.
Ugu dambayntii waxa uu ka hadlay wasiirku dhaq-dhaqaaqa shaqo ee ay wasaaraddiisu qabato taasi oo lagu dhaliilo ay gaabistahay , isaga oo xusay in aanay wasaaradaha kale ka shaqo yaran balse ay jirto duruufo iyaga u gaar ah oo ay ka mid tahay gaadiid ayaraani waxaana hadalka wasiirka ka mid ahaa: “Dhaq-dhaqaaqa wasaaraddu ma yara oo gobol walba waxay ku leedahay xarun laakiin imkaaniyaadkeedu waa uu yar yahay , waxaana loo baahan yahay gaadiid wareega oo loo sameeyo wasaaradda si gurmad qaran looga galo meelkasta sannadkan waxbaa laga qabanayaa “
Waxa kale oo uu yidhi wasiirku :”Markaanu baabuurta qabano waxaanu ka qaadnaa ganaaxu waa in qaarna la xidho qaarna lacag laga qaado , waxaana loo baahan yahay in dhuxusha waxii lagu bedeli lahaa waa in la helo”.

Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya)
Oodweynenews.com,Hargeysa Office