|

Wasiir Duur ,,Hadal qiimalaad tidhi ,,ragii nabada aynu ku naaloonaynu u taagnaa hadh iyo habeenkuna way dayacanyihiin ,mid dhegayna wuu wax yeelaynayaa..

dhamaan waxaan salaamya a saxaafada xortaa iyo dhamaan shaqaalahooda mudanayaal iyo marwooyinba .

waxaan xukuumada jamhuuriyada somaliland iyo shacabkaba ka tacsiyadaynayaa dhimashadii iyo dhawaacii ka dhashay shilkii labadii baabuur ee isku dhacay kuna nafwaayeen 3 ciidamada policeka iyo laba ruux oo shacaba dhawaaca farabadanina uu ciidamada police ka ka soo gaadhay,waxaan si gaara u tacsiyadaynayaa mudane wasiir duur ee ay ciidamada qaranku hoostagaan wasaaradiisa iyo ciidamada policeka dhamaantood ,waxaan leeyahay ilaahay how naxariisto intii geeriyootay inta ku dhaawacantayna caafimaad degdega inuu siiyo ,,allaahuma aamiin.

runtii dhacdadaasi waxay hayd mid naxdin le ,dhimashaduna inay xaqtahay waa hubaal oo loo wada simanyahay,lakiin tani waxay ku timi qaranka somaliland dhamaantii,waayo waxay ahaayeen dadkani kuwii nabadooda ka shaqaynayey ee hadh iyo habeenka heeganta si aynu ugu seexano nabad uguna soo toosno.

waxaa runtii isoo jiitay hadalkii uu WASIIR DUUR ka dul yidhi aaskii marxuumiinta kaas oo taabtay qof waloo damiir iyo dareenba le ,isagoo ka murugaysan geeridaa ciidanka ku timi ,wuxuu muujiyey masuulkaasi in umadani leedahay dad inagoo kale ah oo naftooda u hibeeyey shacabkan inuu nabad ku seexdo ,dhibkastoo dhacdana yagu dhabarka u ridanayaan,yagoo weliba aan helin xaqoodii oo kaamila dayac badanina ka muuqdo iyo sed yaraaniba,lakiin intaaba waxay ku ilaawayaan nabada uu shacabkoodu ku noolyahay ee u suurta gelisay wax waloo horumara.

halka ay qaar kaloo dheregsani oo aan ku tilmaami karo GAFANAYAAL,ay habeen iyo maalin u taaganyihiin inay nabadaa wax u dhimaan  oo laabta garaacaan ,waa nasiib daro nin dhibtaa qaba oo reerkii sii iyo ubadkiisiiba dayacanyihiin oo dhowrkii bilood mar arkaya,in nin haduu DURAY YARI (FLU) ku dhaco diyaarad qaadanaya iskuna soo dawaynaya dhakhtarada debeda isagoo isticmaalaya lacagtii ummadan.,

halka ay shalay ka muuqatay dayaca iyo awood yarida dhakhtarka hargaysa kaas oo dhawaawaca intaa leeg qaabilay ee lagu soo xareeyey ,way muuqata inaan xataa space jirin ku filan dhaawaca lakiin se dedaal aad u badani hadana ka muuqday inta ay awoodoodu tahay kana hagranayn geesiyaashaa wax waloo wax qabashaa..

amaan baan u soo jeedinyaa dhamaan shaqaalaha ka howl gala dhakhtarka hargaysa si gaarana dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha.

 gabagabadii bulshada waxaan u soo jeedinayaa in marka arimaha noocaas oo kale dhacaan in gacanta lays wada qabsado laysna gargaaro wixii waxtarana laysugu gargaaro khaasatan marka arinku ku saabsanyahay mid qaran,,ciidanku waa qaran hadii dhibaato soo gaadho waa mid qaranka soo gaadhay,.

waxaad moodaa inaynaan weli u bislayn ama ay inaga maqantahay waxa layaaho tabaruca ama volanteerku qofba wuxuu kari karo ,waxaan aad uga xum ahay in ay dhakhtarada gaarka looleeyahay aanay qayb ka qaadan arinta oo aanay albaabadooda u furin dhaawacan faraha badan,waa maalintii loo baahnaa ee laysu wada baahnaa.

gafanayaashana waxaan leeyahay ku guulaysan maysaan inta geesiyaashaasi nabada u heelanyihiin iyo shacabkuba wax waloo adeegsataan haday noqoto qabyaalad iyo afkaar shakhsiyaba.

wasiir duur amaan baad iga mudantahay iyo qaderin hadalkaaganina runtii waa mid gilgilay dhamaan shacabka somaliland dareenkoodiina kor u qaaday soona jeedisay .

allaa mahadlle…

                                                                                        abdirashid osman

                                                                                  abdirashidsmn@yahoo.com

                                                                                                 Dubai

                                                                                          00971506972985

—————-

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS