Wasiirada Arab maxey beeshooda u ceebeynayaan, xil hagaagsanba meesha kuma hayaane?
Waar maana waalan mise cadan ayaa laga heesayaa. Beesha Arab waxey aheyd beel si weyn u tageertey Silanyo wuxuuna ugu abaal gudey inuu Wasaarada Cadaalada iyo Diinta u laba ka kala dhigo oo u diintana sheekh Khaliil u dhiibo cadaaladana ina Caydiid u dhiibo.
Silanyo halkii kumuu joogsane maanta beesha Arab dhamaanba saaxada siyaasada wuu ka saarey, isagoo laayey caruurtoodii, una diideyna inuu tacsi u gudbiyo.
Beelaha kale wasiiradooodu way aamusanyahiin, laakin kuwa beesha Arab ayaa la kari waayey oo Silanyo dabada u dhaqaya. Ina caydiid ayaa si uu kursiga u heysto Xirsi so farey in odayaasha isku beel yihiin kaga dhawaajiyo Kulmiye waa xariir. Macaa beelaha Kulmiye ay u hiilisey hadalo kuwaa la mid ah ma yidhaahdaan.Wasiirada Arab maxey beeshooda u ceebeynayaan, xil hagaagsanba meesha kuma hayaan? Meeday sharaftii?
Shilimaadka XIrsi idiin siinaayo waa lacagtii aduunkii ku caawiyey SOmaliland ee dadkiina dadka wax loogu qabto loogu talagaley. Wasiirada beesha Arab kursigu la weynaa, miyeyna arag Cabdala sandheere iyo Ramaax sida quruxda badan ee ay dadkoodii ugu hiiliyeen.
Odayaasha meesha ka hadley mijinta jaadka iyo shilimaadku la weynaa? Magacii ragii Arab ee faro madhan beybeeyada SIyad Barre ugu daadanayey ma waxaa la siistey shilimaad uu Xirsi bixinaayo. Odayaasha hadlow, ma Xirsi oo caruurtiina Hargeysa ku laayey ayaa waliba nebi amaan u qaadaysaan Silanyo.
Samatar Muuse
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
