|

WASIIRKA QABYAALADDA DUULISTA HAWADDA IYO IS-XAYEYSIINTA!

Hadaan wacanay ku idhi adigu waajib-kaagga gudo, miyaanad weligaa is odhan adigga wehelkaa ha jiro ( oo ah shicibka doortay),

Wasiirka u qaabilsan Qabyaaladda, Duulista hawadda iyo Is-xayeysiinta  maamulka Somaliland ( ina xaashi), baa wuxu ahaan jiray maamulkii M.X.Ibrahim Cigal illaah ha u naxariisto’e, xildhi-baanaddii laga soo xullay reernimo iyadda oo la raadinaayo, ruux-ba ruuxa uu ka cudur badan yahay ee uu ka xambaarsan yahay qabyaaladda,iyadda oo aan loo eegin ninka alle yaqaanimo iyo yaa wax qaban ee isku soo dhawyn kara ummadda, ama wadda danta dadka iyo dalka, siddaa awgeed ninkani  waxa lagu siiyey shahaado sharaftii af-weyne ee koowaad. Haddii aynu taariikhdda dib u raacno, wuxu iska dhigi jieay sheekh weyn oo gadhku ku yaallaa daraaddii aanay indhaha mooyaane meel kalle ka arkayn wejigiisa, isaga oo ku gabanaaya diin, hoostana uu milil hurdo khamiiray, wuxu ahaa kii ku qaban qaabin jiray mudaaharaadka Madax-weyne M.X.Ibrahim Cigaal in uu rido oo uu fuullo kan imaka wataa waa Madax-weyne Axmed Siilaanyo’e, nasiib wanaag Mudane Cigaal hal cod buu kaga badbaaday mija-xaabintii uu la rabay wasiirka kor ku qorani,  Waa markuu u bixiyey usaama binu-laadin ( wakhtigaa maba aynu aqoon  Cusaama’e), isaga oo siddii qaskii u waddana la ogaa wixii u smayn jiray dagaalkii sokeeyey, la hayo cagaladihii uu ka jeedin jiray golahii baar-lamaanka ee uu ka mid ahaa, baa la kalla dareeriyey, oo iyaba oo cajaa’ibe kuwo la mid ah la doortay, kuwaas oo la soo jiifay “maya” (BIG NO) maamulkii riyaalle oo wax walba is hor taagi jiray, kan imikana “Haa” ( BIG YES) dhaha lagu masruufo 90% ka mid ah 82ka ay yihiin.
* Markii uu Kursiga ku fadhiiistay-ba Mudane Madax-weyne Axmed Wuxu noqday kii koowaad ee uu wasiirnimo qalinka ku duugo, si uu u fuliyo hawlahii ay isku ogaayeen ee qabyaaladad iyo hanti boobka, Mr Is-xayeysiis waxa loo xil-saaray sadexdda jago ee aan ku muujiyey Cinwaanka, wixii ugu horeeyey ee uu ku kaco waxay nodeen:-
* In ay si toos ah isaga hor yimaadaan Wasiirkii Maaliyadda ee hore Mudane Maxamed Xaashi Cilmi, oo lagu riday ( bedelay) waxa aan lagaa hellayn dhac-dhac,
  ilayn waxa la rabaa kharshkii la soo gallay sideeddii sano ee kursigga duulaanka lagu ahaaye. iyo Ina Xaashi Cilmi ( wasiirka maaliyadda) oo isna sutidda u
  qabtay, meel loo soo maro iyo marmar-siinyo wax lagu cuno midna. halkaa markay maraysay maxaa ka daba yimi.
* Mr Cusaama inta uu qorshe soo samaystay buu soo hor-dhigay golaha wasiiradda oo uu madax-weyne Siilaanyo u soo mariyey, kaas oo ahaa in Miisaani-yadda wasaaradiisa aanay ku jirin khasandda dawladda, ee loogu shubo mid gaar ah oo uu ku sheegay akoonka wasaaradad Qabyaaladda, duulista hawadda iyo is-xayeysiinta, si uu ugu fara banaanaado hantidda dawladda boob-keedda Mudane Maxamed Xaashi ( wasiirkii hore ee maaliyadda), wuu is hor-taagay oo wuxu yidhi, wax dhici kara maaha, ee waxad ka isticmaa-layso iyadda oo la og-yahay ha lagaaga saaro khasnadda dawladda, shilin kalle oo meel kalle lagu shubayaa ma jiro’e.
* Waa guul darro’e M.Xaashi ( wasiirkii maaliyadda) waa loo tashaday oo daaqadda baa laga tuuray markii laga kaban waayey, oo waxa la keenay midkan imika jooga Wasaaradad Maaliyadda, kaas oo ay u arkeen in uu yahay mid ay farahiisu ka dhaq-dhaqaaq badan yihiin, dad-kana subxaa-nalla kaga hoos bixi kara, ah nin sakhiran, boos illaashi ku jira, wixii Maadx-weyne Siilaanyo amar ku siiyana dedg-deg ulla soo boodaaya, isaga oo aan odhanayn maxaa lagu falayaa? ama maxaa jira ee lagu qabanayaa? haddii aw Bustaalle ( siilaany) ku soo ruqaansado in wax farha loo saaro.
* Bili kama ay dambayn markii Wasiirka Gudaha ( Duur oo isaga laf-tiisu cusub), Maaliyadda (Cabdicasiis) oo lagu bedellay  Ina Xaashi ( sababta aan soo sheegnay awgeed), Xirsi gaab (jilbiska laba-iyo-luqun-madoobaha ah) ee ku jira madax-tooyadda, iyo wasiirkan qabyaaladda, duulista hawadda iyo is-xayeysiintu ay ku shireen Garoonka diyaaradaha ee Caasimadda,  Lagu yidhi Ninkii meesha loo dhiibtay in wax lagu cuno ( waa Cabdicasiise), xisaabtii  uu nooga dhaartay] wasiirkii hore ee maaliyadu ( Ina Xaashi Cilmi), sheekh ku soo shub akoonkii an loo diiday, wuxu ku yidhi imika waa la ina fahmayaaye, waa waa kii ina xaashi diidaye, Sanad maaliyeedka ugu horeeya ee aan sameeyo baan taa kuu samaynayaa, si aan imika la inoo garan oo ana u raad gadano.
* Hayaayey iyo wareey-dii la sugaayey, waxay dhacday maalintii dhawayd ee uu wasiir ku sheega Maaliyadu soo hor fadhiistay Xildhi-baanadad Reer Haa ( BIG YES MEN) mooyee aan wax kalle ku shaqayn marka faraha dufan loo sii mariyo ( oo far-taydda yaa subag ku dhuuqay hal hays u leh), ee lagu dari waayey xisaabtii la hor keenay golahii hore loo sii saawa-saaweeyey ( dhuunta loo qooyey), lana yidhi waxa lagu shubay akoonkii wasaaradaas uu masuulka ka yahay Wasiirka Qabyaaladda, Duulista hawadad iyo Is-xayeysiinta, marka weji diir-cad lagu socdona ( sidda cadaanka Reer Yurub isaga qurux loo sii gaxaysto), halkaas oo wixii uu hor joogay wasiirkii hore ee Maaliyadu Mudane Maxamed Xaashi Cilmi, kana digay cawaaqib xumi-deedda, sheegay Hamuun-gorayadda wasiiro uu ka mid yahay kan aynu hadal haynaa ( Mr Is-xayeysiis), baa mudane Cabdicasiis Samaalle ( waa Wasiirka Malaiyadda wakhtigane) uu siddii uu ku balan qaaday markii ay ku shireen Madaarka Caasimadda Nimankii aan sare ku sheegay oo imika u fuliyey.
* Akhristaw si taasi u qaarsoonto oo aan la helin meel xisaabtaasi ku baxday, raad iyo ruux-toona, wuxu dhismaha Garoonka Caasimadad qandaraas ku siiyey mid aan waxba sheegayn ( Mr Comaani) oo ay isku qoys yihiin madax-weynaha, isna qayb-tiisa siiya ( Cabdicasiis Samaale) isaga qab-tiisii hoos baa looga dhiibay si aanu wax u xisaabin ( xaalku wa ahaad iyo eegato) qaataye-qaado sheekhaw, af-kaaga ka dhawr wax baa dhacay,xidho ishana oo hoosta ka nuug xoolaha ummadda. rabbi-se waa arkaa qawlay-satadda is gaashan-buurstay, ee aan eegno halka ay ku dambayso!
* N.B Aduun waa wareeroo war iyo sheeko ka hadhaan!
  Abdi-Shotaly,
  Oodweynenews.com.
COMMENTS