|

Wasiirka Qorsheynta Qaranka Oo Golaha Wakiilada Uga Xog-bixiyey Qorshe Lagu Tirakoobayo Dadka

Hargeysa  (OWN)- Wasiirka qorsheynta qaranka Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta golaha wakiilada hortagay si uu faah-faahin uga bixiyey qorshe ay wasaaraddu dhawaan bildawday oo ay doonayso in ay ku  diiwaan-geliso dadka  ku dhaqan Somaliland oo loo yaqaano (Statistic law).

 

  Ugu  horayna wasiirka oo sharaxaadka bixinaaya qorshahan ayaa waxa uu yidhi” Ujeedad sharcigan looga jeedaa waxa weeyey in uu inoo fududeeyo xogta aynu uga baahanahay dadkeena ee dhaqaale iyo tirabada , tusaale ahaan haddii aanu u baahanahay  in aanu dhisano dugsiyo caruurta yar-yar  waxaa loo baahan yahay in aan ogaano caruurta tiradooda  u baahantahay dugsiyada “.

 

 Wasiirka qorsheynta qaranka Dr Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in ay sharcigan  ay wasaaraddu  waddo  uu muhiim u yahay dhanka dhaqaalaha si loo ogaado  dhaqaalaha kala duwan ee soo gala dalka  waxanu yidhi isaga oo arrinkaasi ka hadlay “ Si Dhaqaalihii aanu u gacan galino waxaanu u baahanahay in aanu ogaano geesta uu ka koraayo haddii ay noqoto  dhanka warshadaha iyo dhinacyada kale   waxaanu loo baahan yahay in la ogaado xog sugan oo ku saabsan arrinkaasi”.

 

 Wasiirka qorsheynta qaranku waxa uu sheegay in aanu sharcigani  ahayn mid cid gaar ah ama  wasaaradda qorsheynta ku waajibinaya  in  ay xogtan ama dadku uu ku waajibinayo in ay xogta bixi yaan.

 balse  ay muhiim u tahay  fududaynta iyo horumarinta qorshaha dalka.

 Wasiirku waxa uu sheegay in sharcigan tirakoobku  ka kooban yahay shan qaybood oo kale ah:-

 

1 waa waxyaabaha iyo waajibaadka looga baahan yahay wasaaradda qorshenta qaranka.

 

2 waa in la ilaaliyo  xogtii  la soo ururiyey  oo ah shaqo laga doonayo wasaaradda qorsheynta.

 

3  xogaha loo baahan yahay  in la soo ururiyo  taasi oo ka badnaankara inta ay haatan wasaaraddu u  diyaarisay hadda sida xogaha khuseeya dadka , dhaqaalah  iyo adeegyada.

 

4  in  la bixiyo  xogta cidda looga baahan yahay  iyada oo aanay jirin wax dadka ku khasbaya in  ay  dadku xog bixiyaan.

 

5 in la helo guddi la tali ah .

 

  Markii uu wasiirkku dhameeyey xogtii  uu ka horjeediyey golaha   oo uu  guddoominayey guddoomiye ku-xigeenka 1aad Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa mudanayaasha weydiiyeen  su’aalo kooban uu la tacaluqa xogtan uu wasiirku siiyey golaha , taasi oo uu wasiirkuna jawaabo ka siiyey mudanayaasha su’aalahaasi  ay weydiiyeen.

Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya)

Omarserbia1@hotmail.com

Oodweynenews.com,Hargeysa Office

COMMENTS