Xirsi Xaaji Cali ma shaqo badnid, Dhibaato aanad dhigin kama dhicin Somaliland, By: Mubaarig X Ibraahim
Xirsi Xaaji Cali ma shaqo badnid, Dhibaato aanad dhigin kama dhicin Somaliland
Waxaan Salaamayaa shacabka reer Somaliland Salaantaa kadib waxaan guda galaynaa Maqaalkeenii aynu ugu magac darnay Xirsi Xaaji Cali ma shaqo badnid , dhibaato aanad dhigin kama dhicin Somaliland Waxaan isla eegaynaa Maamul xumadii ka dhacday Somaliland iyo doorka uu ku lahaa, waxaynu eegaynaa
- 1. Wasaarada Maaliyada
- 2. Waraarada Arimaha Gudaha
- 3. Wasaarada Gaashaandhiga
- 4. Wasaarada Arimaha Debeda
- 5. Wasaarada Ganacsiga
- 6. Wasaarada warfaafinta
- 7. Wasaarada Beeraha
- 8. Wasaarada Cadaaladda iyo garsoorka
- 9. Wasaarada Qorsheynta Qaranka
10. Wasaarada madaxtooyada
11. Wasaarada Diinta iyo Awqaafta
12. Wasaarada Waxbarashada
13. Dekeda Berbera
14. Hayada Fayo dhawrka
15. Haamaha Shidaalka
16. Hayada Wadooyinka
17. Xidhiidhka Safaarada Ithiopia
18. Hayada Nabadsugida
Dhamaan Wasaaradaha iyo hayadaha aan kor ku xusnay waxa uu Wasiirka madaxtooyadu ku sameeyey Faro gelin toos ah hadaba inta aynaan guda gelin maamul xumadii uu dawlada ku sameeye y isaga oo baal maray maamuuska dawladnimo ee Somaliland kushaqeyso , isaga oo ka awood haysta Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo , awoodaas oo ku salaysan qabyaalad iyo Xaajiga oo Adeer u ah.
Hadaba inta aynaan guda gelin maamulxumada dalka ka dhacday aynu dib ujaleecno sooyaalkii taariikheed ee mudane Xirsi Xaaji, lasocoo Xirsi ma laha wax aqoon , waxaa naloo xaqiijiyey in aanu xitaa Machad aanu weligii gelin, nin ka cudurdaartay in magaciisa la sheego waxa uu yidhi waxaan ku iqiiney Dhoqoshey 1996 halkaas oo uu Caruurta wax noogu dhigi jiray, Yacni Malcaamad quraan, ku duri mayno oo dadka waxa u khayr badan qofka Quraanka Barta , hadana dhiga, laakiin Maamulka Dawladnimo ayaa waxa ay leedahay milgo qaab ama hab ay ku shaqeeyaan,waxaa taa dheer Xirsi waxa uu fursad ka helay Xawaalada Dahabshiil oo suurta gelisay in uu magaalo yimaado, taas oo ay Ilmaamti ruma yihiin hantiilaha Shirkad.
Xirsi waa nin dadaal Badan waxa uu hantay qalbiga walaalkii Maxamed Siciid oo u diray Course ku saabsan Computer Networking halkaas oo uu kasoo qaatay 9months course .
Waxa markaa uu Xirsi Masuul ka noqday qeybo ka mid ah Xawaalda Dahabshiil, waxana uu furtay Private School lagu dhigo Computers oo ku yaal magaalada Hargeysa, Laguma xaman dabacsanaan iyo nacasnimo,laakiin ragii ay wada shaqeeyeen waxa ay sheegeen in uu leeyahay dabci aan loogu dulqaadan Karin,kaasoo ah Maroorsi shaqo iyo faro gelin hawl aanu lahayn, taasoo dhalisay in marar badan ay shaqaalaha hoose iskahor yimaadaan, laakiin Hayada Dahabshiil oo ah Company runtii uu dhisan yahay Maamulkiisa leh kala danbeyn iyo habdhismeed aan la loodin kareyn, gacanta ugu jirta ragii lahaa, wax dhibaato kama dhicin, Waxaa uu Wasiirka madaxtooyadu soo maray in uu Xubin ka noqdo Somaliland election Committee (SEC) ama Gudiga Doorashada qaranka Somaliland oo uu u magcaabay Madaxweyne Siilaanyo markii uu ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, nasiib daro waxa ay isla jaan qaadi waayeen Madaxdii Kale ee Commissionka halkaas oo Xirsi Xaaji Cali uu iska casilay 08/05/2008 Xilkiigudoomiye xigeenka gudiga doorashada , Mudo dabadeed waxa uu Xirsi dib ugu noqday Burco, kadibna waxa uu sameeyey taariikdu marka ay ahayd 4/08/2008 arinkii isku dayn in uu ka sameysto jabhad miyiga Burco, maalin qudha ayaa lagu war helay Fooneeyaha qaranka oo rag iskula hadlayaan , kana sheekaynayaa gawaadhi laga jaray qoorta oo loo diyaarinayo in ay dagaal qaalaan, Ciidanka Sirdoonka Somaliland ayaa ku guulaystay in uu Track grayeeyo ama helo goobta arinkaa laga abaabulayo, waxana la soo qabtay Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan oo diyaarinaya Dagaal kuna guulaystay in uu qoorta ka jaro 3 gaadhi, waxaa loo soo kaxeeyey Xabsiga Dhexe ee Hargeysa, halkaas oo uu mudo ku jiray. Waxaa soo damiintay odayaal dhaqameedo iyo rag badan oo madax ah.
Hadaba XIrsi oo ay ka go,antahay in uu dalkan mar uun hogaankiisa gacanta ku dhigo ayaa wada hadal dheer oo dhexmaray Maxamed Siciid uu kula taliyey in uu kala shaqeeyo Dahabshiil Company, waxaana loo dhiibay Hayada SOMTEL oo looga dhigay Manager , Xirsi marnaba uma cuntamayn in uu ahaado nin Shaqaale Dahabshiil ah, waxana uu ka Hawl galay Diwaan gelintii oo uu si weyn ooga shaqeeyey Gobolada Barri isaga oo ka mid ahaa Gudigii ay beeshu u dirtay hawshaas, laakiin mar walba waxa uu xishmad dheeraad ah ku helayey wada dhalasha uu la dhashay Mudane Maxamed Siciid, oo runtii ah nin qadarin weyn ku dhex leh shacabka Somaliland iyo dhamaan mandaqada East AFRICA iyo Caalamka intiisa kale.
Xirsi waxa uu marwalba jeclaa ilaa hadana jecel yahay in uu noqdo nin aan laga daba hadal ama waxa loo yaqaan afka qalaad Dictator , qalad iyo sax waxa uu jecel yahay in uu ku marsiiyo, runtii dabeecadaa uu mudane Xirsi leeyahay baa ah Asalka ama Sababta ugu weyn ee marin habaabisay taladii dalka Somaliland oo runtii uu ka faa,iideystay Aaminada uu aaminay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka dhigtay Gacan yaraha 1aad arinkaas oo aanu marnaba Xirsi qarsan oo uu yidhaahdo Madaxweynaha ayaa aniga igu qaba kalsooni dheeraad ah marka laga wareysto wargeysyada Maxaliga ah.
Maba xuma in qof lagu kalsoonaado , laakiin waxa xun kalsoonida oo si aan waafaqsaneyn cadaalada loo adeegsado, Habdhaqanka Xirsi Xaaji Cali waxa uu shaki weyn geliyey shacabkii reer Somaliland , waxa sameysmay in Beelihii ay markiiba is weydiiyaan Roleka ama Xilka Xirsi Xaaji Cali oo markii hore lagu magcaabay Chief of Cabinet oo hadii toos loo tarjumo noqonaya Wasiirka wasiirada ama Hogaanka Wasiirada, runtii qaylo dheer oo shacabka reer Somaliland qayliyeen waxa uu noqday Wasiirka Madaxtooyada laakiin runtii Jagadaas maaha ta uu ku shaqeeyo, waa tii aynu hore usoo sheegnay ee ahayd Wasiirka Wasiirada oo loo soo gaabinkaro Prime Minister , Markaa waxaan ku doodi karaa in Somaliland ay leedahay Government System leh Madaxweyne Xigeen and Prime Minister arinkaasna u malayn mayo in uu mugdi idiinka jiro, laakiin si aynu u xaqiijino oogana jawaabno Suaashii inoo ahayd ciwaanka bal aynu maqaalkeena danbe guda galno waa side xidhiidhka uu la leeyahay Xirsi Xaaji Cali Hayadaha qaranka Somaliland , maxaase ka dhashay Xidhiidhkaas, waxaad kaloo kaqaadan kartaa dhibaatada uu ina geyeysiin karo ninkan dhalinyarada ah ee leh taariikhda aan kor ku xusnay hadaan laga qaban qaranka,
Waxaan idiinsoo bandhigi doonaa sida xun ee uu u adeegsado awooda Madaxweynaha Dalka isaga oo ay ku taageersan tahay Marwada 1aad oo runtii xushmad inaga mudan, Warbixnahan ayaa shaaca kaqaadaya Su,aasha soo noqnoqotay ee ah Dalka Yaa ka taliya ogow Wasiirada Hada jiraa kuma faraxsana Xirsi Xaaji ee Afkiibaa Juuq gabay, Wasiir X waxa uu yidhi, Inaadeer Ana waan arkaa, Shacabku waa arkaa lakiin laakiin maxaad isleedahay oo aan hagraday Anigu awoodayda dalka u shaqee baan isleeyahay. aniga runtii Wasiirkaasi waxa uu taabtay Qalbigayga waxa uu iidiiday Hurdadii waan fadhiisan waayey waxa aan go,aansaday in aan dhamaan la xidhiidho madaxdii qaranka soo martay waxaana soo baxay Maqaaladan taxanaha ah.
La soco fadlan
Mubaarig X Ibraahim
Nairobi
—————————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
