Baarlamanka Puntland oo ansixiyey wax ka beddelka dastuurka

Golaha Wakiilada Maamul Goboleedka Puntland ayaa meel-mariyey isbeddel lagu sameeyo dastuurka maamulkaas, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay golaha.

“Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa waxay cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen ansixinta wax-ka-bedelka dastuurka Dawladda Puntland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu soo saaray baarlamanka.

Kulanka ayaa waxaa fadhiyey 60 xildhibaan, waxaana go’aankan oggol ugu codeeyay 54 mudane, halka 6 ay diideen mana jirin cid ka aamustay, ayuu war-saxaafadeedka intaas ku daray.

Wax ka beddelka dastuurka, gaar ahaan qodobada quseeya arrimaha doorashooyinka, ayaa sabab u ahaa xiisad muddo ka taagneyd magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, oo dhowr mar horseedday gacan ka hadal.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa kasoo horjeeda in wax laga beddelo dastuurka, ayaga oo u arka isku day xukuumadda ay ku sameysaneyso muddo kororsi, eedahaas oo xukuumadda ay beenisay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker