|

Yaa Nabada Masuuliyadeeda Haya+ Mase Maanacday Maqalka Labadan Odhaahood. By Maxamuud Faatixo.

waxaan maqlaa oo in badan dhagahayga ku soo laablaabta,
Kalmadahan labada ah ee ciwaanka ku lifaaqan , waamaxay kalmadahaasi?
Bal aynu si fiican  uqeexno, in taynaan qeexin  aan ku horeeyo Somaliland waatuma, aynu kasoo bilowno taariikhdii dhawayd ee
1991kii kadib markii aynu isku xag xaganay Beelo,sidii ay wax u dhaceen iyo kalabadiskiina aynu kawada dharagsanahay, waa tii dani inatidhi heshiiya.
waynu ku najaxney oo weynu ku caana maalay nabadaasi,  halkii aynu kasoo qaadnayna maaha midla isku tilmaamayo.


taasina  waxa loogu mahad celinayaa oo kaliya  ALAHA WEYN EE INA WAAFAJIYAY.
eeee MAAHA MID BEEL LOOGU MAHAD CELINAYO KAMID AH BEELAHA SOMALILAND,
dabcan in laxaqiro maaha cidii wax kaqabatay maal/muruq/maskax, intaasiba way kubaxde, waana lookalabadnaa.
markaa cidina cid uguma danayneyn ee Beelkasta ama shaqsi kastaa oo reer Somalilandi ahba waa uu ubaahnaa nabada iyo dowladnimada aragnayna waxa aytahay iyo faa iidada ay leedahay.

ok: aan usoolaabto muhiimada ama mowduuca aan maanta kahadlayo.
waxaan maqlaa oo aan aad unecbeystay  koley inbadan oo ila mid ihina wey jirtaaye.
labadan odhaahood
        1- DOWLADAA NASOO FARAGALISEY!!!!
        2- BEEL HEBLA OO BALAN QAADAY IN AY AMAANKA IYO XASILOONIDA ILAALINAYSO.!!!
 saxiib dowladan aad leedahay wey nasoo fara galisey waatuma? ayay u adeegtaa? maxay utaagan tahay,?
Beel hebla oo balan qaadey il ay ilaalinayaan xasiloonida dhowrayaana nabada guud ee dalka..
saaxiib ma is weydiisey waxa ay utaagan yihiin ciidankan Qaranka noocyadiisa kala duwan,? waamaxay dowlad,? kusii dheeraan maayo.

dabcan lamadiidana in shacabka ladhageysto lana dhowro, balse maaha in ay han jabaan , una hanjabaan dowladii iyo qaranimadiii, .

MID LA AQBALI KARAYA MAAHA IN MAS UUL SARE LA ISKA SOO ABAARO, LAGULANA SOO DHIIRADO MINDI IYO XAGXAGASHO FEEDH IYO WAX LAMID AH.
 ANIGU WAXAAN QABAA IN AAN BEEL MAANTA LAGAMAGANSADAA AMNIGA DALKU AANEY JIRIN, MANA DHICI KARAYSO,
MADIIDANI WADATASHI, IYO IN AARAA LA ISDHAAFSADO,.BALSE TALADA/AMNIGA/ IYO DHAMAAN DANTA GUUD EE GUDE IYO DIBADBA DOWLADBAA INAGA WAKIIL AH,,, KANAXOW FANTA WAA,,,,

                                                 ALAAMAHADLEH.

COMMENTS