|

Shirkii Amaanka Muniikh oo ka Socda Dalka Jarmalka iyo Waxa la filayo Inay kaso baxan.

Kampala (OWN), Mar kale waxay Inta badan Madaxda Aduunku isugu tageen Magaalada Muniikh ee Dalka Jarmalka, gaar ahaan Quwadaha Waawayni,  si ay u eegaan Amaanka Aduunka, Khaas ahaan Hawlaha Cakrin ee Qaarada Yurub, Dalka Siiriya, iyo Maali oo dhawaan saaxada kusoo Biiirtay.

Shirkan mar kale ka furmay Dalka Jarmala waxa sidoo kale lagu wadaa in lagu eego Heeshiiskii Caalamiga ahaa ee Fiditaan la’aanta Hubka Halista ee lagaadhay 1968-kii, sida laga soo xiganayo Khubarada lasocota arimaha waxay si gaara farta loogu fiiqi doona Arinta Jamuuriyada Islaamiga Eeran, Quwada Cusub ee Kuuriyada Waqooyi iyo dameceeda Tijaabinta Hubka Nukliyeerka,

Shirkan yaa sida Caadiga dhidibada loo taagay wakhtigii Dagaalka Qaboow ka socoday Dunida, gaar ahaan 1963, kaasoo ujeedadiisu ahayd in laga arinsado xaaladii wakhtigaa ee Galbeedka iyo Bariga u dhaxaysay, inta wixi ka danbeeyey hadaba wuxu la jaanqaadayey isbadalada Dunida kasocoda, hasa yeeshe marki uu Galbeedku Awooda sare yeeshay, waxa shirka loo furay Dalalkii Bariga iyo Xoogii Soofiyadka, Qorshihii shirkana waxa muquuniyey Isku Guurka aduunka (Globalization) iyo Siyaasada Aminga Caalamka (Global Security Policies).

In ka badand 70 Dal iyo 400 oo Wufuud awood sare le ayaa ka qayba shirka, kuwaaso ka kala socoda Quwadaha Caalamka, India, China, Brazil, Africa iyo Ururada Caalamiga, gaar ahaan Qaramada Midoobay, Ururada aan Dawliga ahayn, Maxkamada Danbiyada Caalamka, dhamaanw wufuudan aya lagu wada inay madasha ka soo jeediyaan Doodo kukulul oo Dunida Koobad lagu dhaliili doono Heerka Xuquuqul Isaanka, Wasakhawga Hawada, Kala Saraynta Bulshooyinka Caalamka iyo ku Tagri falka Dhaqaalaha Caalamka.

Madaxda ugu muuqa dheer ee madasha maraysa waxa kamida Madaxeyne Xigeenka Aqalka Cad, Mr. Biden, Wasirka Arimaha Dibada Raashiya Mr. Laafroof,  Marwad Martida loo yahay ee Markel Anjeela, u qaabilsana Beesha Caalamka Arimaha Siirirya Mr. Lakhdaar Ibrahimi, iyo Madax kaloo badan.

Madaxda waxay shirkooda 49-aad oo noocan oo kala  ku qaadan doona inta u dhaxaysa 1 ila 3 bishan Febraayo ee 2013, Magalada Muniikh,   iyadoo gaar ahaan la filayo in Dawlada Raashiya soo jeediso Qorsheheeda (Integral Security Zone), oo la macnaaa Dhulka Amaanka ee u dhaxeeya Yurubta Bari iyo Huwanta NATO (Xulufada Reer Galbeedka)

 

Shirkan ayaa kamida shirarka Beesha aduunku iskugu timaado kuwooda ugu muhimsan, sababtoo ah wuxu inta badan abaara arimaha Amniga Dunida, taaso Aragti ahaan aad loogu kala durugsan yahay, waxaanan ugu yaraan lagu dajiyaa oo hab Dibloomasiya lagu eega arimaha Markaas Cakiran.

Mustafe Baroud

Kampala, Uganda

COMMENTS