|

Abwaanka Faarax Murtiile Oo Mar Labaad Ku Guuleystay Barnaamujka Heesaha Ee Top-ten-ka

London(OWN)- Barnaamujkasi oo arbaca walba 10:00 fiidnimo waa uk time ka soo gala telefishanka royal tv, taasoo ay khadka telefonada ay taagerayaashu ugu codeynayeen iyagoo si toosa qof kastaa ugu codeeyey fanaanka uu doonayey taasoo caalamka oo dhan laga soo codeeyey , hadaba codeyntii shacabka waxaa ku guuleystay abwaanka, fanaanka, laxamiistaha isla markaana qoraaga ah faarax cawil jamac ( FAARAX MURTIILE) oo aad uga sareeyey fanaaniintii kale ee la tartameysay oo ay ka mid ahaayen ilaa kaalinta shanaad  .

            1- faarax murtiile

2- bakar yare iyo cabdi nadif

3- cisman amiita

4- shamso foot iyo cabdi

5- deeqa holland iyo faysal xawaase

 

hadaba faarax murtiile oo ay wareysi la yeelatey weriyada caanka ah ee amina dhufeys oo daadihisa barnaamujka topten maalintii arbacada 13-02-2013 kuna gudoonsiisey koobkii iyo abaal marintii uu muteystay abwaanku ayuu ugu mahad celiyey dhamaan taageerayaashiisa meel kasta oo ay aduunka ka joogaan, isagoo weliba si toosa royal tv uga sii daayey maanso cusub oo uu u tiriyey dalkan ingiriiska isagoo ka duulayey dawaan markii wasiirka arimaha dibeda ee dalkan ingiriisku ku sheegay in somaliland ku soo socdaan khataro amaan darro ah iyo qaraxyo sidaa darteedna muwaadiniinta ingiriisku ay ka baxaan , warbixintaa been abuurka ah ee uu warbaahinta gaadhsiiyey wasiirka arimaha dibeda ee dalka ingiriiska , hadaba abwaan faarax murtiile isagoo taa gabay kaga jawaabey wuxuu yidhi .

 

Bismilaahi eebaan ku bilaabayaayoo

wuxuu gabayga ii baray

xumaa inaan ka beydhshoo

ku baahshaa wanaagee

bismilaahi eebaan ku bilaabayaayoo

wuxuu gabayga ii baray

beenta inaan ka dhowroo

runta aan ku beegsado

bismilaahi eebaan ku bilaabayaayoo

wuxuu gabayga ii baray

cilmi inaan ku beeroo

ku bacraa aqoontee

waxaan biritan leeyahay

beledkaygu waa nabad

bulshadiyo dalkaygana

boqorkii na uumaa

nabad buuxda siiyee

maxaa noo bajineysaan

waxaan biritan leeyahay

anagoon belaayiyo

baas iyo colaad qabin

warka been abuurka ah

maxaw baahineysaan

waxaan biriton leeyahay

william hague badheedhaha

baaqiyo warkiisuu biibisada u direy

malaa tuura buuriyo basra iyo

ciraaq iyo banquusuu u jeedoo

afkiibaa ka boobee ka baxaydu

 may aheyn beledkiyo dalkaygee

ha beeneeyo maantoo ha ka

bixiyo xaal dhaba.

 

ka daawo barnaamujka topten iyo weriye amina dhufeys habeen walba oo arbaca ah 10:00 fiidnimo uk time royal tv.

COMMENTS