|

Barnaamijka qiimee dadkaagu waa fikrad caafimaad qabta ee una baahan in la dhiiri geliyo,qolyaha se ka xumaaday dawo male,,,,,,

dhmaan waxaan salaamayaa saxaafada xortaa inta caafimaadka qabta ee mabaa,diida saxaafada ku dhaqanta kana fog sxaafad qabiilaysan iyo mid shakhsi ka leeyahay dano gaaraba,waxaan kaloo salaamayaa dhamaan akhristayaasha sharafta mudan…
qalinka waxaan u qaatay maanta bal inaan waxyar oo ra,yigayga ah ka idhaahdo dhacdo jamhuuriyada somaliland gaar ahaan caasimada hargaysa ka dhcaday taas oo ah barnaamij la magac baxay QIIMEE DADKAAGA,,kaas oo lagu gudoonsiinayey ilaa 100 qof shahaado sharaf waxaana ka qaybgalay xafladaa sida fiican ee quruxda badan loo soo agaasimay madaxweynaha jamhuuriyada isagoo ka mid ahaana dadkii halkaa lagu gudoonsiiyey shahaadadaha.
barnaamijkaa waxaa hindisay oo qayb wayn ka qaatay nin sharaf mudan oo wakhti iyo juhdiba geliyey fikradana lahaa,marka hore waxaan leeyahay ninkaa fikradaa curiyey ee isku howlay inuu barnaamijkaa ka howlgalo ogaadayna in ay jiraan dad mudan in la xasuusto kuwa ifka jooga iyo qaar maanta inaga hooseeyaba (ilaahay how naxariistee) kuna lahaa saamayn jiritaanka jamhuuriyadan somaliland ka taariikh ahaan iyo qaybaha horumarka ee kala duwan.
ninkaa marka hore waxaan leeyahay waad ku mahadsantahay fikradaa aad curisay maanta waxaanan jeclaan lahaa in uu noqdo barnaamij sanadeed lagu abaal mariyo dadka saamaynta kule horumarka bulshada sanadkaa ama dhowrkii sanoba mar.
intaa hadaan kaga gudbo mahadnaqa iyo soo dhawaynta fikradaa halka ay maanta dad badan oo lagu tuhmayo garasho iyo aqooni ay ka seexdeen waajibkaa amaba ay kaga mashquuleen waxyaala kaloo aan faaiido ku jirin,halka qaar kalena ku mashquulsan yihiin sidii ay bulshadan ugu horseede lahaayeen hagardaamo iyo dhibaato.
waxaan hadaba layaabay oo igu keliftay qoraalkan yar dadka maqaalada cuduraysan ee barnaamijkaa fikradiisu ay wacantahay ku tilmamaya wax aanu u qalmin halka ay qaarna fikradiiba khalday ee ku tilmaamay ula jeedo kale ,waa siday yagu jecelyihiine kuwaasina waakuwa had iyo jeer ka xumaada wax waloo wanaaga ama dhacdo ha noqoto ama fikrad wanaagsane.
waxyaalaha aan ku arkay dadkaa waxaa kamida markiiba qaar waxay la soo boodeen shakhsiyaad ay yagu la jeclaadeen price kan oo aan ku jirin oo ay leeyihiin hebel baa laga reebay oo waa ujeedo,halka qaar kale ka leeyihiin waa barnaamij qabyaaladaysan waa wax lagu qoslo runtii,fikradii ninkaasi uu curiyey akhristow dad tiraya runtii way ka xumaadeen ra,yi ahaan waxaan u arkaa dadkaa inay yihiin kuwa xanuun qaba.
hadaan barnaamijka u soo yara laabto shakhsiyaadka lagu gudoonsiiyey shahaado sharafka in 100 kba u qalmaan haday noqoto abwaaniin,caafimaad,horumarin,nabadayn,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
hadaan inyar ka magacaabo,sheekh dirir,marwo adna,marwo faaduma siciid,shukri baandare,Dr sacad cali shire,shiikh cali jowhar,barkhad,suldaan daakir,luul cali mataan,xaaji cabdi waraabe,xuquuq,Dr gaboose ,abwaan gaariye ilaahay how naxariistee,abwaan hadraawi………………..
intaa iyo intakaloo dhamiba way istaahilaan in la gudoonsiiyo shahaado sharaf waana waxa ugu yar ee qof bulshada wax ku soo kordhiyey ama u qabtay lagu maamuuso ,waa dhiiri gelin,waa mahad naq,waa ixtiraam muujin.
waxaa xusid mudan hadaba in barnaamijkan oo kale caalamka ka jiro oo dowladuhu maamuusaan dadka saamaynta kule mujtamacooda inaga hadaba in badan bay dib inooga dhacday hadii ninkaasi inoo gartay waa in loo mahadnaqaa,kuwale dadbaa laga tegay sheekadu maaha hebel baa laga tegay ee waa dedaal qof wuuna asiibaa waxna waa ka qalbamikaraan,inta laga tegay ee u qalanta shahaadadana yaga waxaaba u sharafa barnaamijkan magaca wayn huwan kaas bay ka dhexmuuqdaan xataa hadii qof kale oo uga mudan la soo saaray.
koxahaa xanuunku hayo waxaan leeyahay mujtamaciina haka fantoobina ee soo dhexgala oo wanaaga iyo fikradaha noocana soo dhaweeya ama ka aamusa oo xanuunkiina qarsada.
NOTE:shakhsiga soo hindisay fikradan ee juhdi iyo wakhtiba geliyey waxaan leeyahay waad ku mahadsantahay waxaanu kaa rajaynaynaa fikrada kale oo wanaagsan oo midha dhala,dhaxal gala oo laga wada faaiido.
allaa mahadlle…………………….
                                                                                                                                   abdirashid osman
                                                                                                                         abdirashidsmn@yahoo.com
                                                                                                                                       Dubai
                                                                                                                               00971506972985

—————————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS