Burco iyo reer Xussen jaar By: cawaale muxumed aw jamac
Marka hore waxaan salaamaya ummada reer somaliland meel walba ay joogtaan salaan ka dib waxaan salaamaya qofkasta qoraalkeyga akhristaa .
Qalinka maanta waxaan u so qaatay in aan arrin ka hadalo oo ku saabsan magaalada burco meel taariikh ku leh jamhuriyada somaliland waana magaalo hormar iyo kala danbeyn ka socto ,hadaba maxaa is badalay tan iyo intii xukuumada kulmiye ay dalka la wareegtay uu madaxweyne ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo , sidaan la wada socono baa magaaladii burco reerkii reer xussen ka ma muuqdaan oo wax xil ah iyo maayir nimadii ba waa laga qaaday ayado sidaa tahay na reer xussen waa reerka ugu badan magaalada burco oo waxay ku caan baxeen magaca abgaal burco iyo dhuxsha iyo caanah geel ba wey keenan burco .
Hada ba suaasha meesha taala aya ah reerkii reer xussen jaar maxaa ku dhacay ay uga hurdeen hormarinta magaalada burco iyo maxay u iibiyaan dhulka oo dad kale uga iibiiyaan waa suaalo is weydiin leh .
hadalka waxaan kaga baxayaa in magacii reer xussen jaar la so celiyo oo ahaa magac ku caan baxay jaarnimo iyo darisnimo wanaagsan .kaalintii ay ka hurdeen oo ah in ay magaalada hormariyaan oo schoolo ka furaan oo wadooyinka dhisaan . waxaan ka codsanayaa suldaanka iyo caaqilada reer xussen in ay burco shir ku qabtaan kaas oo ah danah beesha iyo so celintii magacii iyo miisaankii burco ku la haayeen iyado aan waxba la yeelin isku duubnida iyo wada socodka beel weyntaa habar yoonis iyo waliba tix galin gaar ah la siinayo gudiga talo ito tawfiiq
waa bilaahi tawfiiq
cawaale muxumed aw jamac
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
