Buug Laga Qoray Taariikhdii Abwaan Ibraahim Gadhle Oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay +SAWIRO
Hargeysa (OWN)-Qoraaga Boobe Yuusuf Ducaale ayaa waxa uu soo bandhigay buug aad u qiimo badan oo ay ku duugantahay taariikhdii Abwaaknii weynaaee Alle ha u naxariistee Ibraahim Sheekh Saleebaan (Ibraahim Gadhle) kaasi oo muddo la ururinaayey .
buugan oo magaciisa la yidaahdo Mullaax oo u uqoray Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo caawa lagu soo bandhigay magaalad Hargeysa ayaa wax aka soo qayb-galay dad aad u tiro badan oo iskugu jira Abwaano uu ka mid yahay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), siyaasiyiin kala duwna iyo marti sharaf kale duwan oo munaasaadda ka soo qayb-shay .
Qoraaga buugan ayaa halkaasi ka soo jeediyey nuxurka uu ku fadhiyo buugan oo uu ku tilmaamay mid ka dhigaan bulshada afka Somaliga ku hadasha madaama uu Abwaanku meel muhiim ah .
waxa kale oo halkaasi isna ka hadlay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame oo isaguna wax ka soo qaatay aqoonta uu u lahaa Abwaan Ibraahim Gadhle , oo ku tilmaamay shakhsi baal dahab ah kaga jiray suugaanta iyo kobocka afka Somaliga .
waxaana ka hadlay munaasabadda dadkale oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo xubno kale o ka mid ah dadka suugaanta iyo dhigaalkeeda wax ka yaqaana oo dhamaantood ku tilmaama buugan Mulaaxo mid anfci doono bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan inta afka Somaliga ku hadashadaba.
NP Hadalka qoraaga buuga iyo Abwaan Hadraawi oo soo jeediyey nuxurka ku saabsan taariikhda Abwaanka ka filo Oodweynenews.com
OOdweynenews.com,Hargeysa Office























