|

Dawlada Madaxweyne Axmed-Siiraanyo Hoombray soo Wad-daa Shacabkuna Shimbro-laayuu soo Sitaa.Q.5aad

Madaxweyne Axmed-Siiraanyo waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta tirada yar ee aan marnaba ka nasan loolanka siyaasadeed tan iyo intuu hana qaaday.Ha noqoto Somaliya ama Jamhuuriyada Somaliland oo uu haatan hogaanka u ahayo.Mar haduu muddadaa cayaartooy siyaasadeed uu ahaa,waxa lagu rajo qabay inuu dhinacyo badan eego,boogo badan oo shacabkan ku yaalayna isku dayo siduu dawo ugu heli lahaa.Balse muddadii haatan oo dalkan hogaaminayay filashadii toganayd ee lagu hanwaynaa wuu ku fashilmay.Akhriste,ninkii jiray waxa laga hayaa “Geedyow ma waxa aan ku moodaayay mise waxa aad noqotay,” ee halkii uu taxanahu inuu maraayay aan dib ugu noqdee bal qodobadan dib u xasuusta:
1.Madaxdhaqameedkii waxa uu ku darsaday labada gole ee baarlamanka.
2.Waxa kale oo uu muska ku dheetaystay guddiyo,kuwaas oo keli ku magacaabo.
3.Qaabkii dawladnimo ayuu u gediyay qaab qabiil,amnigii dalka ayaa halkaa ku saqiiray.
4.Madaxweynahii ugu horeeyay ee halhays saq-dhexe la sara kacay ayuu noqday,Maanta dhalinyaradu markay kaftamayso waxay isku yidhaahdaan “Waa halkii Madaxweynaha e’ UFF baa lagu yidhi.
5.Madaaradii qaar baa weli xidhan,qaarna shacabka ayaa qaadhaan u hawl-galay,dekkadii Berbera-na kiro ayay wasiiradii u raadinayaan.
Akhriste,dalka waad joogtaa,xogogaalna waad u tahay,markaa hadaynu taxno talaabooyinka taban ee intii xukuumadani talada haysay la derisnay ka gayoon mayno,bal ku darsoo doorashadii fool xumadu innaga raacday,boobka,gubista,waraaqaha ilaa maanta meelaha qaar iska dhooban,ku shubashadii badheedhka ahayd,komishankii heshiiska kula ahaa gool dhaliyaasha xukuumada iyo indha adkaanta ilaa maanta ay la soo taaganyahiin ayaa noqon doonta taariikh naanays reebi doonta.
Akhriste,waxa aan ku soo gaba- taxanahan,waad aragtaan siyaasadii dibada inuu inankaa Baydhaba ku dhashay ee uga baxay uk halka uu la maray,waad aragtaan arrimahii gudaha xaaladeedu inay isu rogtay madaxdhaqameed iyo guddiyo,waad aragtaan dastoorkii in la leeyahay sidaanu doono ayaanu qodobada u bedelaynaa,waad aragtaan inta xeer ee dano gaar ah loo ansaxsaday,maantana waxa laynagu dhaqan-geliyay xeerkii Sirdoonka ee aynu hore uga dagaalanay.Waa talaabadii ugu danbaysay ee shacab lagu xakameeyo,halkaa ayay dawlada Madaxweyne Axmed-Siiraanyo ka soo wad-daa hoombrada,waana ta keeni karta inuu shacabku sidiisii shimbro-laaye miciinsado,waa hadii aanu Madaxweyne Axmed-Siiraanyo aayaha dalka dib u jaleecin.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL
________________________________________________________________
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
COMMENTS