Faham Qaldan– Jawaab Qoraalkii Magaciisu Ahaa “Muquurashadii Safiirka Iyo Dooddii Somaliland iyo Soomaaliya.
Waxan akhriyey qoraal kooban oo uu nin magaciisu yahay Ismaaciil Maxamed Kaahin kaga hadlay dood uu Telefishanka Universal qabtay oo lagaga hadlayey wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya dhexmari kara iyo waxa laga filan karo. Waxay ahayd dood dheer oo aan qudhaydu net-ka ka daawaday, waxana aad u wanaagsanayd sidii fiicnayd ee ay aqoonyahannadii Somaliland taageerayey u hadleen.
Ismaaciil oo ah ninka qoraalka aan doonayo in aan wax ka saxo qoray qudhiisu qoraalkiisa qaybta hore si fiican ayuu uga hadlay arrintaas, in kasta oo uu soo koobay oo aanu wax sidaa u sii badan ka odhan qodabbadii muhiimka ahaa ee carrabka lagu dhuftay. Waxase dhacday in markii dambe uu fikirkii Ismaaciil meel hoose ku dhacay. Sidii uu doodda uga hadlayey uun buu mar qudha qoraalkiisii ku daray in aanu safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriisku ka soo qayb-gelin dooddaas iyada ah. Waa sida uu hadalka u dhigaye, waxa uu yidhi “Waa uu ka muquurtay!”. Kalmaddaas oo qudheedu aan ku habboonayn sida uu Ismaaciil u adeegsaday.
Halkaa markii aan akhriskii qoraalka Ismaaciil marinayo ayaa waxa aan xasuustay murti qalaad oo macnaheedu ahaa, “Qofka si yar u fikiraa wax badan buu khaldaa” (He who thinks little errs much). Laba arrimood ayaanu ismaaciil aad uga fikirin. Waa midda horee, meesha kuma ay doodayn mas’uuliyiin ama safiirro ka kala socda Soomaaliland iyo Soomaaliya, ee waxa ku doodayey dad aqoonyahanno ahaa oo aan xilal hayn, sidaa darteedna ma ay jirin baahi qasbaysay in uu safiirka Somaliland yimaaddo iyadoo aqoonyahannaduna ay isku fillaayeen.
Waa midda labaade, waxa uu yidhi, “Waxa aad mooddaa in uu ka maquurto meelaha lagu hayo doodaha!”Ereyga “mooddaa” ayuu halkaana adeegsaday, kaas oo caddayn u ah in aanu hubin arrintan uu safiirka ku eedaynayo, ee uu isagu mooday uun. Horta Ismaaciil intee in le’eg ayuu ka og yahay qofka diblamaasiga ah shaqooyinka laga rabo iyo kuwa aan hawlihiisaba noqon karin? Qofku marka uu isaga oo aan aad uga fikirin isla markaasna fahmin mawduuca uu ka hadlayo qoraalka ku degdego waxa dhacaysa in ay wax ka khaldamaan. Hadda Ismaaciil waxa aad mooddaa (In kasta oo isu ekaysiiyey nin ka helay) in uu saluugsan yahay aqoonyahannadii Somaliland taageerayey oo uu markaa qabo in ay muhiim ahayd in la helo cid la xoojisa oo uu tusaale ahaan safiirku yimaaddo madasha doodda. Anigu taa mudane Ismaaciil lama qabo.
Axmed Iid
____________________________________________________________
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
