|

Furista Ururrada Siyaasiga ah iyo doorkii C/Laahi Siciid Dheere

Ballan-qaadyadii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamed (Siilaanyo) ololaha ku galay xilliga doorashada 2010-kawaxa ka mid ahaa inuu furayo ururrada siyaasadda, kolkii uu kursiga fuulayna waxa soo baxayay guux iyo dareen dadku ka qabeen rumaynta axdigaasi oo aad moodaysay inay u dheg-taagayeen halka ay ku dambayn doonto. Laakiin 15/March/2011-ka ayuu madaxweynuhu magacaabay guddiga qaran oo kasoo talo-bixisa furista ururrada siyaasadd. C/Laahi Siciid Dheere AHUN waxa uu ka mid ahaa gudidaa. Xubnaha guddigaasi oo ka socday  Golaha Guurtida JSL, Golaha Wakiilada JSL, Saddexda Xisbi ee Kulmiye, UDUB iyo UCID, Aqoonyahaanada, Jaamacadaha dalka, Guddida Xuquuqul Insaanka, Ururrada Bulshada, Culimaa’udiinka, Madax dhaqameedyada, Ganacsatada, Beelaha laga tirada badan-yahay iyo La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xisbiyada iyo Doorashooyinka. Waxay kala ahaayeen:

Xildhibaan Sh. Maxamuud Xirsi Faarax: Golaha Guurtida JSL
Xildhibaan Saleebaan Cali Koore: Golaha Wakiillada JSL
Keyse Xasan Cige: Xisbiga Kulmiye
Canab Cumar Ileeye: Xisbiga Kulmiye
Cabdilaahi Siciid Dheere: Xisbiga UCID
Xasan Xuseen Cod-Yare: Xisbiga UCID
Maxamuud Siciid Maxamed: Xisbiga UDUB
Yuusuf Ciise Talaabo: Xisbiga UDUB
Barkhad Jaamac Xirsi: Beelaha laga tirada badanyahay
Prof. Xuseen Xasan Guleed: Aqoonyahan
Dr. Maxamed Cismaan Fadal: Aqoonyahan
Maxamed Cabdilaahi Ducaale: Jaamacadaha
Aamina Cabdilaahi Axmed: Guddiga Xuquuqul Insaanka
Khadar Nuur Aw Cabdi: Ururrada Bulshada (SONYO)
Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi: Ururrada Bulshada (NAGAAD)
Jaamac Maxamuud Cigaal: Ganacsatada
Sheekh Almis Sheekh Yaxye: Culimada
Suldaan Axmed Daahir: Madax dhaqameed
Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan: La Taliyaha Madaxweynaha JSL
Maxamed Muuse Abees: La Taliyaha Madaxweynaha JSL

Guddidan waxa loo xil saaray: Cilmi baadhis (Ra’yi ururin iyo doodo) la xidhiidha rabitaanka Bulshada ee ururrada siyaasadda. Ka soo tallo bixinta baahida sharci ee ku gadaaman ururrada siyaasadda iyo adkaynta hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka hirgalay Jamhuuriyadda Somaliland. Daraasad ku saabasan duruufaha siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ee saamaynta ku yeelan kara ururrada siyaasadda.

Guddigani waxa ay shaqadoodii u guteen si habsami ah marka laga reebo labadii xubnood ee UDUB oo ka baxay.. Waxay guddoomiye u doortaan Xildhibaan Saleebaan Cali Koore.. Waxa ay kulanno la yeesheen qaybaha bulshada ee ku kala sugan gobollada iyo degmooyinka Somaliland. Ugu dambatiina waxa ay soo saareen warbixin ka warramaysa aftidii mugga lahayd ee ay sameeyeen oo biya-dhaceedu yahay in dadweynuhu rabaan furista ururrada siyaasadda. Warbixintaasi waxa ay qayb ahaan u dhignayd sidan:

Ujeeddo: Warbixin Hordhac ah Guddida ka soo tala bixinta furasahda Ururrada Siyaasaddu, waxay Saxaafadda u soo gudbinaynaa warbixin kooban oo hordhac ah oo la xidhiidha hawshii loo xilsaaray oo ku saleysan tilmaantii ku suntaneyd warqadii summadeedu ahayd JSL/M/MG/O8/399/03011, kuna taariikheysneyd 14.03.011, qodobadan soo socdana xambaarsanayd: 1. (Cilmi Baadhis) Doodo iyo Ra’yi-uruurin) la xidhiidha rabitaanka bulshada ee furashada ururrada siyaasadda. 2. Ka soo talo bixin baahida sharci ee ku geedaaman furashada Ururrada Siyaasadda iyo Adkeynta hanaanka Dimiquraadiga ee ka hirgalay Jamhuuriyada Somaliland. 3. Daraasad ku saabsan Duruufaha Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Nabadgalyo ee saameynta ku yeelan kara furashada Ururrada Siyaasadda. Haddaba, guddidu waxay gudashada xilkaa u martay talaabooyinkan soo socda: A. Guddidu waxay isu soo martay Gobolada waaweyn ee Somaliland ee kala ah: Awadal, Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag. Iyaga oo markaa doodo u qabtay qeybaha kala duwan ee  bulshada oo ay kamid yihiin hogaamiye Dhaqameedyada, Culimaa’udiinka, Aqoonyahanka, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada, Jaamacadaha, iyo Guddiyada horumarineed, Iyada oo guddidu u qabatay dadkaa doodo lagu waydiinayo ra’yigooda, lagana buuxiyey Foom ay kaga jawaabayaan (Haa), (Maya) iyo (Midnaba) iyo sababaynta in Ururrada Siyaasiga ah la furo.

Foomamkaa aanu dadka ka buuxiney oo halbowle u ahaa talo bixintayada, waxaanu tiriney maanta oo ay Taariikhdu tahay 07/06/11, intii horena way noo xidhnaayeen si aanu uga badbaadno ku tiri  kuteenka. B. Waxa kale oo guddidu dhageysatay qoraaladii afar Sharciyaqaan oo ay u dirtay inay tallo iyo taxliil sharci soo siiyaan guddida. C. Waxa kale oo guddidu warbixin la xidhiidha Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Nabadda ka dhageysatay Hay’adaha kala ah: 1. Koomishanka Doorashooyinka Qaranka. 2. Akademiga Nabada iyo Horumarka. 3. Dallada Sonsaf.

Haddaba, Markii la tiriyey Cododkii laga soo uruuriyey muwaadiniin Somaliland ah oo tiradoodu dhan tahay 1,769 qof. Waxay natiijadoodu noqotay sidan:

Gobolka Haa Maya Midna Total
1: Maroodi_Jeex 190 302 11 503
2: Togdheer 157 132 0 289
3: Saaxil 91 94 5 190
4: Sanaag 208 66 2 276
5: Sool 185 39 9 233
6: Awdal 171 104 3 278
Total: 1002 737 30 1769

Halkaas waxaa ka muuqda in bulshada rabitaankeedu ubatay in Ururrada Siyaasadda la furo sida ka muuqada shaxada sare. Haddaba, markay guddigu yeelatay doodo dhaadheer iyo falanqeyn ku saabsan duruufaha la xidhiidha  sharciyada, geedi socodka dimuqraadiyada, dhaqaalaha, siyaasadda, nabadgalyada Somaliland  waxay ku tallo bixineysaa:

 

1. In la qabyo-tiro Sharuucda iyo Xeerarka Ururrada Siyaasadda, Xisbiyada iyo Doorashooyinka. 2. Dhisida guddi Joogto ah oo qaabilsan diwaangalinta ururrada siyaasiga iyo ku ilaalinta dimuqraadiyada Xisbiyada gudahooda. 3. In lagu talo galo kharashyadii ku bixi lahaa furashada ururrada iyo doorashooyinka. 4. In wakhti 18 Bilood gudahood ah lagu hirgaliyo diwaangalinta ururrada iyo qabsoomida doorashada deegaanka. 5. In la sameeyo xeerkii Xisbiyada Qaranka (Political Parties Act).

La Soco Qaybta 10aad haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista (ERA)

saedmgahair@hotmail.com

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair

______________________________________________

 

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

 

COMMENTS