|

GOLAHA GUURTI SOMALILANDA-CUSUB (New Somaliland). Qaybta-1 By: Omar Yousuf

Si aad u foojigan, ayaanu u soo dhaweynayaa labada qodab ee Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilanyo kaga hadlay qudbada sanadeedka. Labadani qodab oo kala ah:

1)      In Dastuurka dalka dib loo eego.

2)      Iyo in golaha Guurtida la soo xulo, oon si toosa loo dooran.

Hadaba, su’aashu waxaa ay tahay  Axmed Maxamed Siilayo ma yahay madaxwaynihii labadan arrimod dib u eegida ku samayn lahaa?

Waxaa loo bahan yahay hogaamiye danta dadka iyo dalka ka hor mariya dantiisa, danta xusbigiisa, iyo ta beeshiisaba. Hogaamiye cidna uga habran halka danta ummada ku jirto. Waxaa Somaliland horyaalan arimo badan oo xasaasiya oo u bahan hogaamiye  fahansan arimahani, lana tashada dadka AQOONTA leh si loo saxo.

Hadaba,  dadbadan oon anigu ka mid ahaya, ayaa  qaba in loo bahan yahay in Dastuurka  Somaliland dib u eegid lagu sameeyo. Iyo in golaha Guurtida la soo xulo, si ayna u noqdo gole ka madax banaan siyaasada Somaliland ee iska hor iyo daba jeeda.

Hadaba hadii xukuumada, khasatan Madaxwaynuhu uu dacad ka yahay laban qodab, oo uu doonayo inuu hormad u noqdo si labadan arimood u dhamaystiro wakhtiga u hadhay. Waan soo dhawaynayna.

Madaxwaynuhu waxaa magacabay Gudida Diiwan Galinta Ururada oo laga yabo in ay ku jiraan dad dacad ah, lakiin aan fahan sanayn hawsha loo diray. Isla markana haysan sharciyada u samixi lahaa in ay hawshani fuliyan. Marka waxaa noqdeen gudi aan hawshan ka soo bixi karin oo fashilmay. Marka looma bahna gudi kuwasi oo kale ah inuu madaxwaynuhu soo xulo si ay arimahani wax uga qabtan. Waxaa loo bahan yahay inuu Madaxwaynuhu soo xulo gudi ka kooban dadka ugu AQOON ta badan Somaliland, ugu dacadsan, ugu wadanisan. Gudi aan Qabyalad iyo Qudhinkaasi ka xora.

Gudi isku kalsoon oo dadka Somaliland ee gudaha iyo dibada jooga la tashada. Gudi fahamsan sida dalku horumar ku gaadhi karo, oo darsa qaladadka ku jira Dastuurka, fahmana sida lagu saxi karo. Gudi diyaarin kara habka lagu soo xulayo gole Guurti oo Aqoon sare leh oon la mid ahayn gole Guurti ee 25ka sano ka hor Dulcad lagu yagleelay. Golahani Guurtida wakhtiga ayaa loo bahna, lakiin maanta ma ah golahi wakhtigan loo banayn.

Haddii xukuumadu dan gaara ka leedahay, oy soo xusho gudi jaahiliina oo fahan sanayn hawsha loo dirayo, waxa ay Somaliland ku keeni kartaa burbur aanay ka soo kaban karin.  Mida kale, waa in aan arimahani wax talo ah ku yeelan dadkii diyaariyay Xeer-14 ka, waa haddii wanag la rabo. Waayo Xeerkani waa ka keenay in xusbiyo Qabiil ku dhisan dalka laga hirgaliyo. Xeerkani waa ka u horseeday dalka habka ah ‘qaybi oo xukun’. Sida daradeed, Golaha Wakiilada iyo Guurtida ee wakhti dhaafka ah ee Xeer-14  dalka ka hirgaliyo waa in aanay ka arimin labada arimood. Waa in golaha wakiilada ee la-dooran dooro (haddii Eebe yidha), la hor geeyo wax ka badalka la isla qaato si ay u ansixiyan ama wax uga badalaan.

Hadaba inta hawlaha culus la guda galin waa in ummada Somaliland la mideeyo, oo Madaxwaynaha iyo xukuumadiisu ay hormood ka noqdan si ay u soo ceshadan kalsoonida dadka.

Hadaba sidee ay xukuumada Axmed Maxamed Siilanyo ku soo ceshan kartaa kalsoonida dadka ?

Xukuumada waa in ay ka bilawdo siday u saxi lahayd  Xeer-14.  Xeerkani  waa masiibada dalkani lagu soo tuuray oo ummadani u kala qaybiyay  Beelo wadanka wax ku leh iyo kuwa aan waxba ku lahayn. Dalka waa in laga hirgaliyo Xusbiyo QARAN oo ummada wada leedahay. Somaliland uma baahna Xusbiyo Beelyado ama Xusbiyo Qudhun ah. Haddii dawlada iyo xukuumadu ayna saxi karin Xeer-14, waxaan qaban in aan xaq u lahayn in ay faraha la gasho arimahani ka wayn. Waayo ninka xusbiyada qaranka indhaha ka tuurtay, arimahana wax ka daran ayuu ku samayn doona. Teeda kale dalku uma baahna Dastuur kala dhiman oo la sii kharbido iyo gole Guurti oo Beelo ku dhisan oo dadka kala qayb qaybiya.

Madaxwaynuhu waxaa uu qudbadiisa ku yidhi waxaa loo bahan yahay in golaha Guurtida Beelo lagu soo xulo, ‘si Beelaha yaryari uga dhex muuqdan’. Haddii ujeedada madaxwaynu u rabo in golaha Guurtida la soo xulo ay tahay, si Beelaha yaryari Golaha Guurtida uga dhex muuqdan. Marka waxaa qabaa inuu madaxwaynu qaldan yahay. Waayo Somaliland uma baahna Gole Guurti oo Beelkasta ka muuqdan. Lakiin waxay u bahan tahay gole Guurti oo qofkasta oo Somaliland ahi u si siman ugu tartamo karo inuu xubin ka noqdo, beesha uu doone ha ku abtirsade eh.

Teeda kale, sidee ayaa lagu oganayaa tira beelaha Somaliland daga? Sideese lagu ogaanayaa  xubnaha golaha Guurtidu ee Beeli helayso?

Mida kale Beelaha qaar ayaan Somaliland ku badnayn, lakiin ku badan dalalka jaarka, marka waa qalad in Beelo aynu wax ku qayb sano. Somaliland waxay u bahan tahay in ay hesho Golaha Guurtida oo Aqoon leh oo Beelkasta xaqeeda ilaaliya, iyo golaha Guurti oo fahansan sida dal loo horumariyo.

Waa in la qadariyo Beelaha oo dhan, lana isku dheeli tiro xubnaha golaha Guurtida ee wada daga degmo/Gobalada. Beesha qofku ka soo jeedo, waa in ay noqoto qayb (ama one factor) ka mida  waxa lagu soo xulanayo Golaha Guurtida, sida Wadaniyada, Aqoonta, Waya-aragnimada  iyo qaar kaleba. Lakiin Beesha uu qofku yahay waa in ayna noqon muhiimada kowad. Teeda kalana waa in laba xubnood la siiyo dadka laga tirada badan yahay . 15 xubnoodna loo xidho dumarka. Lakiin waa in Quato-da aanay noqon mid furan,  ee waa in mudo kooban, ugu badnaan 10 sano ah jirta. Ilaa iyo inta dadkeenu baranayo in kartida qofka ku doortaan hogaamiyahooda.

Hadaba, haddii la isla qato in golaha Guurtida la soo xulo. Waa in madaxwaynaha iyo xukuumadu dadka u cadayso ujeeda ay ka leeyihiin. Teeda kalana waa in la isla fahmo shaqada uu qabanayo golaha guurtidu ee cusubi iyo sida lagu soo xulayo.

 

La soco Qaybta Labad, een kaga hadli doono shaqada Golaha Guurtida ee Cusub iyo sida lagu soo xulanyo.

 

Somaliland Ha Noolato!!!!!!!!!

Omar Yousuf

Oakland, California

 

 

—————————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS