Golaha Wakiilada Oo Cod Aqalabiyad Ah Ku Ansixiyey Xeerka Takaaliifta Madaarada
Hargeysa (OWN)- Fadhi ay maanta yeesheebn mudanaayaasha golaha wakiilada oo uu shir guddoominayey guddoomiye ku-xigeenka Baashe Maxamed Faarax ayaa waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen xeerka takaaliifta madaarad oo ay goluhu doodiisa wadeen fadhiyadoodii ugu dambeeyey.
Fadhigan oo ay soo xaadireen 47 mudane ayaa waxa cod aqlabiyad ugu codeeyey xeerkan 46 mudane halka uu hal xidhibaana diiday , sidaasina uu ku ansaxahay xeerka takaaliifta madaarada .
Xeerkan ayaa sida ay sheegeen masuuliyiinta wasaaradda duulista iyo hawada waxa uu fududayn doonaa hawlaha shaqo ee madaarada .
Oodweynenewsnews.com,Hargeysa Office
