|

Shirkadda OPHIR ENERGY PLC Iyo Heshiiska Somaliland

Ophir Energy plc waa shirkad ka shaqaysa baahdi-taanka macdanaha iyo shidaalka ( Petrol &gas ) oo ay leedahay Koonfyr Afrika, waa shirkad cusub oo la siiyey baahdi-taanka xeebaha somaliland Berbera in ay ka soo saarto shidaalka badda dhex-deedda ku jira, oo ay somalialnd la saxeexatay heshiis baadhistaa ah, ma cada weli sirta ku jirtaa, waxa aanu xuuraan hoose ku haynaa dhamaan shirkadaha  wax ka soo saara ama ka baadha Geeska Afrika, waxay qandaraas ka haystaa, Kiiniya, Tansaaniya, mosaambiik, waxana ay afaratii wiig  ee ugu dambeeyey, hoos ahaan u saxeexday heshiiskan Somaliland, sidda aad ku aragto  khariiradda Afrika inta meelood ee ay wax ka  soo saarto, o ay ka mdi tahay Berberi, akhristaw waanu ku daba jirnaa, illaa imika  warka aanu helay waxa weeye in uu jiro heshiis-kaasi, balse, marka aanu soo dhamays tirno  illaa xadka uu yahay kolba sidda aanu u hello, iyo inta aanu hello baanu idiin soo ban dhigi doonaa haddii alle yidhaaho.

 


Maaha talaabo xun ee waa tijaabo aad u wacan in la baadho dalka, oo meeshii la tuhmaba lagu bilaabo, guntana la soo xaadho, maahana wax tuugo ah, waxan filayaa in aanay weli dhamaan wada hadaladdii sidda ay noo soo sheegeen ilaha aanu tibaaxdda ka hellay, kollay waxnu leenahay mamaulka oodweynenews welcome Ophir Energy Plc with success iyo wixii wax ku soo kordhinaaya dalkaba meel kasta oo uu yahay, waxanu ku garab taaganay Wasiirka  Xuseein Guray, oo hawl aad u muhiim ah  ka qabatay dhanka shidaal soo saarka ee dalka, maaha nin is faansha, oo sidda qaar kalle  Tv-gga Hoos taagan oo yidhaaha i arkaay i maqlaay, maal badana lunsaday, ee Wasiir Xuseen waa nin Dadaalaaya, ilaahay-na waxan uga baryeynaa in uu la qabto oo uu ku guulaysto mansuuliyadda saaran Weldone iyo Aamiin iyo bil baraka.



Abdi-Shotaly,

Oodwyenenews.com.

 

COMMENTS